HOMEWARARKAILA QOSOLSHEEKOOYINKAFIKRADAHASOMALI LINKSCONTACT US Monday, May 02, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Wafdi uu horkacaayo ra段isul wasaare Saacid oo u dhoofay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Posted by Caagane on September 22 2013
Ra段isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, iyaga oo kusii jeeda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Ra段isul wasaaraha ayaa xubnaha safarkiisa ku wehliya waxaa ka mid ah Marwada Ra段isul wasaaraha Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi, wasiirka garsoorka Mudane C/laahi Ebyan Nuur, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, afhayeenka xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji C/weli iyo howlwadeeno kale.

Wafdigaas uu horkacaayo ra段isul wasaaraha ayaa ugu horeynta waxay gaari doonaan magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaasoo ay kaga qeybgali doonaan shir looga hadlayo arimaha horumarinta xaquuqul insaanka dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, shirka ayaa waxaa ka qeyb gali doona wasiirka Horumarinta adeega Bulshada Drs. Maryan Qaasim Axmad iyo safiirka dalka Geneva u fadhiya dowladda Soomaaliya Mudane Amb. Yuusuf Ismaaciil (Bari-bari).

Marka uu soo idlaado shirkaasi, ayuu u soo gudbi doonaa ra段isul wasaaraha iyo wafdigiisa dalka Turkiga, halkaas oo ay kulamo kula qaadan doonaan madaxda dalkaasi, waxaana looga hadli doonaa kulamadaasi horumarinta iskaashiga labada wadan ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana sidoo kale la filayaa inuu la kulmo jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi oo u badan arday.

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright ゥ 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved