HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Thursday, February 11, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Dadka Soomaalida ah ee ku nool magaalada Nairobi oo cabsi aad u xoogan soo wajahday.
Posted by Caagane on September 22 2013
Dadka Soomaalida ah ee ku nool magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa lasoo darastay cabsi iyo welwel aad u xoogan, taas oo la xiriirta in loo dhibaateeyo weerarka abaabulan ee lagu qaaday suuqa Westgate ee ku yaala bartamaha magaaladaas, kaas oo ay mas'uuliyadiisa sheegteen Xarakada Al-shabaab.

Ciidamada booliiska ee dalka Kenya ayaa markii ay qaraxyo ceynkaan oo kale ah ka dhacaan dalkaas waxay bilaabaan howlgalo ka dhan ah Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii, halkaas oo ah xaafad ay si aad ugu badan yihiin Soomaalidu dalkaaas ku nool, ka dibne dhibaatooyin kala duwan halkaasi loogu geysto.

Dadka Soomaalida ah ee ku nool magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii ayaa wadnaha farta ku haaya, waxayna ka cabsi qabaan talaabada ay qaadi doonaan ciidamada booliska ee dalkaas, ka dib marka lasoo afjaro weerarka iyo xiisadaha ka socda suuqa Westgate, iyagoona ka cabsi qabo in bar-tilmaameed laga dhigto.

Mas'uuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya ee ku sugan dalka Kenya ayaa hore u balan-qaaday inaan dadka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan aan lagu dhibaatayn doonin gudaha dalkaasi, islamarkaana ay arimahaasi kala hadleen saraakiisha amniga ee dalkaas.

Si kastaba ha ahaatee, dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa indhaha ku haaya waxa ka socda suuqa West-gate ee ku yaala magaalada Nairobi, waxayna ka walwal qabaan waxa xigi doona iyo talaabada ay ciidamada booliiska dalkaasi qaadi doonaan.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Nairobi.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved