HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Sunday, May 01, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo qadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha dalka Kenya Mr. Uhuru Kenyatta.
Posted by Caagane on September 22 2013
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si adag u cambaareeyey falkii argagixiso ee ka dhacay suuq laga dukaameysto oo lagu magacaabo Westgate kuna yaala bartamaha faras-magaalaha Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Ra’iisul wasaare Saacid ayaa qadka telefoonka xalay kula hadlay madaxweynaha dalka Kenya Mr. Uhuru Kenyata, isaga oo uga tacsiyeeyay dhibaatada shacabka ka soo gaartay Westgate, oo ay weerareen kooxo argagixiso ah, kuwaasoo dhimasho iyo dhaawac baahsan u geystay dad rayid ah.

“Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, aad bey uga xun yihiin dhibaatada loo geystay shacabka aanu walaalaha nahay ee Kenya, si buuxda ayaana u cambaareynayaa dhacdadaan foosha xun” ayuu ku yiri ra’iisul wasaaruhu madaxweyne Uhuru Kenyata mar uu la hadlayay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaskii, eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen shacabkii ku sugnaa goobta, wuxuuna ku tilmaamay falkaan mid muujinaya qatarta iyo arxan darida kooxaha argagixisada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa uu si buuxda u garab istaagan yahay walaalaha reer Kenya, si la mid ah sida ay dadka Kenya iyo dawladduba inoo garab istaageen waqtigii noogu adkaa” ayuu hadalkiisa ku daray ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved