HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Saturday, April 30, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Kooxo hubeeysan oo isku rasaaseeyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.
Posted by Caagane on September 22 2013
Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi maanta ay ka dhacday israsaaseyn xoogan oo u dhaxeeysay kooxo hubeeysan oo sida la sheegay muran dhexmaray.

Inta la xaqiijiyay waxaa israsaaseyntaasi ku geeriyootay 2 qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacantay 3 kale, sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah oo ku sugnaa halka ay israsaaseyntu ka dhacday.

Israsaaseyntaan ayaa timid ka dib markii sida la sheegay uu muran iyo isqabqabsi dhex maray labadaas kooxood, taas oo la xiriirta dhul ay isku haystaan oo ku yaala gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.

Ciidamada maamulka KMG ee Jubba ayaa waxay gaareen goobta ay israsaaseyntu ka dhacday, iyagoona kala dhex galay kooxihii halkaasi ku dagaalay, waxayna ku guuleysteen inay qaboojiyaan xiisadda labada dhinac ka dhaxeeysay.

Mid ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka KMG ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay wadaan in labada dhinac ay heshiis kala dhex dhigaan, si looga hortago in isku dhac kale uu yimaado.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa mudooyinkaan dambe magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose kusoo badanaayay isqabqabsiga ku aadan dhulalka halkaasi, waxaana kiisaska ugu badan ee soo gaara maxkamada madaniga ee magaaladaasi ay yihiin kuwa ku saabsan dhulal la isku haysto.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved