HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Tuesday, May 03, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Shirka golaha wasiirada oo maanta lagu casuumay Mr. Tarsan oo ah gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir.
Posted by Caagane on September 28 2013
Golaha wasiirada ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah, waxaana shir guddoominayay kusimaha ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka kheyraadka C/risaaq Cumar Maxamed.

Kulanaan ayaa lagu casuumay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tasan, kaasoo sharaxaad ka bixinayay xaaladda amniga ee gobalka, qorshaha deriseynta, kaalinta gobalka ee amniga caasimadda iyo weliba mashaariicda horumarineed ee gobalku ku howlan yahay.

Sidoo kale, golaha wasiirada ayaa ka hadlay xaaladda nololeed ee qoysaskii ku barakacay fataahadii dhowaan uu sameeyey wabiga Shabelle nawaaxiga magaalada Jowhar, kaasoo baabi’iyay dhul beereed baaxad leh, isla markaana jaray isu socodkii wadada u dhaxeeysa Muqdisho iyo gobalka Sh/dhexe, waxayna goluhu ugu yabooheen gargaar dhaqaale.

Golaha wasiirada ayaa taageeray qorsheyaasha gobalka ee horumarinta iyo sugida amniga gobalka, waxaana lagu ammaanay kaalinta bilic soo celinta iyo iftiiminta magaalada, waxayna ugu baaqeen golaha wasiiradu inay sii dardargeliyaan wada shaqeynta maamulka gobalka Banaadir uu la leeyahay hay’addaha amniga, si loo wiiqo qatarta argagixisada.

Golaha wasiiradu waxay kulankooda diirada ku saareen xaaladda fatahaada wabiga Shabelle ee gobalka Sh/dhexe, waxayna ugu deeqeen lacag dhan Konton kun oo Dollarka Mareykanka ah ($50.000), waxayna dhanka kale baaq u jeediyeen hay’addaha gargaar iyaga oo ugu baaqay inay la gaaraab shacabkaasi tabaaleysan caawimaad dhan kastaba leh.

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved