HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Thursday, May 05, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


AKHRISO DIGREETO:- Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay warbaahinta Soomaaliyeed ee ka howlgala gudaha dalka.
Posted by Caagane on October 27 2013
Wasaaradda warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniin ah in xarumaha gaar ka ah ee warbaahinta, shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa internetka ee aan diiwaan gashneyn ay iska soo diiwaan geliyaan wasaaradda ka hor 10-ka bisha November ee haatan fooda inagu soo haysa.

Dikreeto kasoo baxday xafiiska wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa lagu sheegay in xarumaha warbaahinta, shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa internetka ay isdiiwaan geliyaan, islamarkaana ay qaataan ruqsad shaqo, kuwa ay ka dhaceenna ay soo cusbooneysiistaan.

Sidoo kale waxaa digreetada lagu xusay in ciddii u hogaansami weyda amarka wasaaradda wixii ka dambeeya 10-ka bisha dambe ee November loo gudbin doono wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka, si looga qaado talaabo waafaqsan sharciga.

Dikreetada ayaa sidoo kale lagu sheegay inay jiraan xarumo u hogaansamay amar xilli sii horeeysay ay wasaaraddu soo saartay oo isdiiwaan geliyey, balse weli ay jiraan kuwa dhiman oo aan weli isdiiwaan gelin.

Si kastaba ha ahaatee, digreetadaan maanta laga soo saaray xafiiska wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa kusoo beegmaysa xilli maalintii shalay ay dowladda Soomaaliya albaabada isugu dhufatay idaacadda Shabelle xarunteeda Muqdisho, ka dib markii maamulka Idaacadaasi ay ka dhega adeegeen inay isaga guuraan xarunta ay deganaayeen, halkaasi oo la sheegay inay tahay hanti dowladeed.



Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved