HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Sunday, February 14, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DAAWO SAWIRO:- Xarun cusub oo laga hirgeliyay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.
Posted by Caagane on October 27 2013
Xarun cusub oo ay yeelato maamulka degmada Dharkeenley ayaa maanta waxaa xariga ka jaray gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo ay wehliyaan qaar ka tirsan mas'uuliyiinta maamulka gobalka Banaadir.

Dhismaha cusub ee xarunta maamulka dagmada Dharkeenley oo ah mid ku cusub gudaha dagmadaasi, oo xiligii dowladdii dhexe dalka ay ka jirtay xitaa aanan jirin xarun maamulka dagmada uu ku shaqeeyo ayaa waxaa maamulka gobalka Banaadir u suura gashay hirgelinta dhismaha xaruntaasi.

Boqolaal ka mid ah dadweynaha degmada ayaa isugu soo baxay gudaha xarunta dhisamaheeda xariga laga jaray ee Dharkeenley, iyadoona ay cod dheer kusoo dhaweeyeen dhisamaha xaruntaas oo noqoneeysa mid loogu adeego shacabka.

Ugu horeyn waxaa goobtaasi hadalo mahad celin u badan ka jeediyay gudoomiyaha degmada Dharkeenley mudane Macalin Cabdulle Cali Hilowle, isagoona ku nuux nuuxsaday in dadka degmadaasi ay si aan kala har laheyn uga mahad celinayaan dhismaha xaruntaas oo uu maamulka gobalka Banaadir hirgeliyay.

Sidoo kale inta ay munaasabaddaasi socotay waxaa sugaan guubaabo u badan halkaasi ka qaaday kooxda Waabari, iyo barbaarta Gaashaaman ee degmada Dharkeenley.

Gunaanudkii munaasbadda xariga looga jaraayay xarunta maamulka degmada Dharkeenley ayaa waxaa hadalo qiimo badan ka soo jeediyay gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo dadka dagmadaasi kula dardaarmay adkeyta iyo taaba gelinta dariseynta oo ah mid amniga iyo horumarka oo wax weyn ka tari karta degmadaas.

Maamulka gobalka Banaadir ayaa horay uga hirgeliyay dhamaan degmooyinka gobalka dhisme xarumo loogu adeego dadweynaha iyo goobo ay dhalinyarada degmo kasta ku ciyaraan qeybaha kala gadisan ee Sports-ka, waxaana taas barbar socotay qeybinta kubadda cagta oo ah nooc casri ah oo horay aan dalka u imaan.

Xafiiska warfaafinta maamulka gobalka Banaadir
Mogadishu-Somalia.



Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved