HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Saturday, February 06, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Dowladda Mareekanka oo si aan gambad lahayn ugu faantay inay dileen saraakiil Al-shabaab ah.
Posted by Caagane on October 29 2013
Dowladda Mareekanka ayaa si rasmi ah u sheegatay mas'uuliyadda weerar diyaaradeed oo gelinkii dambe shalay lagu qaaday deegaanka Dhaay-Tubaako oo ku yaala duuleedka degmada Jilib ee gobalka J/dhexe.

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga ee dowladda Mareekanka ayaa sheegay in weerarkaasi ay iyaga ka dambeeyeen islamarkaana ay u adeegsadeen diyaaradaha dagaalka ee drones-ka loo yaqaano, isagoona sheegay in laba ka mid ah saraakiisha Al-shabaab ay ku dileen.

Wuxuu sheegay in labadaan saraakiil ee ka tirsan Al-shabaab weerarka lala beegsaday xilli ay gaari ku marayeen deegaan aan sida ugu fogeyn degmada Jilib ee gobalka J/dhexe, kuwaas oo kusii jeeday degmada Baraawe ee gobalka Sh/hoose.

"Weerarka aan ku qaadnay labada saraakiil ee ka tirsan Al-shabaab waxaa u adeegsanay diyaaradaha drones-ka loo yaqaano, xilli ay saarnaayeen gaari islamarkaana kusii jeeday degmada Baraawe ee gobalka Sh/hoose, mid ka mid waxaa lagu yeeraa Ibraahim Cali Cabdi" Sidaas waxaa yiri sarkaalka ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga ee dowladda Mareekanka.

Diyaraadaha dagaalka ee drones-ka loo yaqaano ayaa mudooyinkii dambe waxay howlgalo ay ku baacsanayeen Xarakada Al-shabaab dhowr jeer ka fuliyay dalka Soomaaliya, iyagoo inta badan bar-tilmaameedkooda ay yihiin goobaha ay ku sugan yihiin saraakiisha Xarakada Al-shabaab.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved