HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Friday, February 12, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Gudoomiyaha degmada Doolow oo muddo kooban xabsi la dhigay iyo faah faahin ku saabsan sababta arinkaasi ka dambeeysay.
Posted by Caagane on October 29 2013
Wararka naga soo gaaraya degmada Doolow ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugan ay muddo kooban xabsiga dhigeen gudoomiyaha degmadaas C/rashiid Janan, kaas oo ay saraakiisha Itoobiya ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada B/xaawo ee gobalka Gedo.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay gudoomiyaha su'aalo ka weydiiyeen waxa uu ka og yahay dagaalkii ka dhacay degmada B/xaawo oo ka tirsan gobalka Gedo, inkastoo markii dambe gudoomiyaha lasii daayay.

Saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaa waxay gudoomiye C/rashiid Janan u jeediyeen digniin culus oo ay ugu sheegeen in hadii markale ay uga shakiyaan inuu abaabulaayo dagaalka B/xaawo ay xabsi dhigi doonaan, mardambana aysan sii deyn doonin.

Waxay sidoo kale gudoomiyaha ka dalbadeen inuu ka qeyb qaato sidii xal waara loogu heli lahaa dagaaladii ka dhacay degmada B/xaawo, kaas oo dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Ahu-sunna Waljameeca ee ku wada sugan gobalka Gedo.

Si kastaba ha ahaatee, xariga ay ciidamada Itoobiya u geysteen gudoomiyaha degmada Doolow C/rashiid Janan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo afhayeen u hadlay Ahlu-sunna uu gudoomiyaha ku eedeeyay inuu isagu ka dambeeyo dagaalkii ka dhacay degmada B/xaawo ee gobalka Gedo, kaas oo uu ku sheegay inuu arimo siyaasadeed ka leeyahay.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved