HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Friday, February 12, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo maanta ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh/hoose.
Posted by Caagane on October 29 2013
Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in dagaal muddo kooban socday uu ka dhacay gudaha magaaladaasi, kaas oo sida la sheegay u dhaxeeyay ciidamada militeriga dowladda Soomaaliya iyo ilalada guddoomiyaha magaaladaasi Maxamed Cismaan Cali (Yariisoow).

Dagaalkaas ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan kuwa militeriga dowladda Soomaaliya ay isku dayeen inay isbaarooyin dhigtaan gudaha magaalada Marka iyo waddooyinka soo gala, waxaan arinkaasi si weyn uga soo horjeestay ciidamada ilaalada u ah gudoomiyaha magaalada Marka iyo ciidamo madani ah oo loo sameeyay inay sugaan amaanka magaaladaas.

Israsaaseyn aan la ogeyn cidda wax ku noqotay ayaa sida la sheegay dhexmaray ciidamada militeriga ee doonayey inay isbaarada dhigtaan iyo ciidamadii diidanaa ee ilaalada u ahaa gudoomiyaha magaalada Marka, waxaana la sheegay in xaalad kacsanaan ah ay haatan ka jirto magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in gebi ahaanba la xiray ganacsigii magaalada Marka, islamarkaana dadka ay ku kala xaroodeen guryahooda iyo goobahooda ganacsi, iyagoo ka cabsi qaba inuu saameyn ku yeesho dagaalka u dhaxeeya labadaasi dhinac.

Gudoomiyaha magaalada Marka Maxamed Cismaan Cali (Yariisoow) oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa baaq u diray saraakiisha ciidanka militeriga ee dowladda Soomaaliya, isagoona ugu baaqay inay ciidankooda ka celiyaan dhibaatooyinka ay u geeysanayaan dadka shacabka ee magaalada Marka.

Lama oga sida uu xaalka ku dambeeyn doono, waxaana xaaladda ay haatan tahay mid kacsan, iyadoona mararka qaar magaalada Marka gudaheeda laga dhexmaqlaayo rasaas oo si teel teel ah u dhaceeysa.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved