HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Friday, February 12, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DAAWO SAWIRO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay dalka Turkiga.
Posted by Caagane on October 29 2013
Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaya ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyey wasiir ku xigeenka arimaha dibedda, Jamaal Maxamed Barrow, xildhibaano, iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmaya madaxweynaha Turkiga Abdullah Gul iyo ra'iisul wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo uu kala hadli doonaa xiriirka labada dal, isagoo madaxweynaha Soomaaliya uu uga mahad celin doonaa doorkii hogaamineed ee Turkigu ka qaatay arimaha Soomaaliya oo bedeshay sida uu caalamku ula dhaqmo Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynahu waxuu kala hadli doonaa shirka beri ka dhacaaya golaha amaanka ee Qaramada Midoobey oo looga hadli doono sidii loo taageeri lahaa ciidanka dowladda si loo soo afjaro dagaalka kooxaha Al-Shabaab, bacdamaa Madaxda Turkiga ay garab istaagan yihiin Soomaaliya islamarkaana ay caalamka si aad ah ugu ololeeyaan in Soomaaliya la garab istaago.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb galaya xafladda munaasabadda 90 guurada markii Turkiga uu xornimada qaatay oo ku beegan maanta 29ka October 2013, isagoona halkaas ka jeedin doono khudbad taariikhi ah oo uu shacabka Turkiga uga mahad celin doono garab istaaga iyo walaaltnimada dhabta ah oo ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed.

---DHAMAAD---

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson, Office of the President of Somalia,
yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com,
Twitter: @thevillasomalia or @engyarisow +252615479911



Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved