HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Thursday, May 05, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


C/rashiid Janan oo si kulul u beeniyay warar laga shaaciyay.
Posted by Caagane on November 04 2013
Iyadoo dhawaantaan qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliyeed ay shaaciyeen in gudoomiyaha degmada Doolow ee dowladda Soomaaliya C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) ay xireen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee gobalka Gedo ayaa arinkaasi waxaa ka hadlay gudoomiyaha.

C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) gudoomiyaha degmada Dooloow oo ka hadlay arinkaasi ayaa marka hore beeniyay inay xireen ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo, wuxuuna sheegay in wararka sheegaya inay ciidamadaas ay xireen ay yihiin kuwo been abuur ah islamarkaasina ku tilmaamay mid xaqiiqda ka fog.

Wuxuu sheegay inuu cabaareynaayo warkaasi ku aadan xarigiisa, oo mudooyinkii dambe warbaahintu ay aad u hadal heysay, sidoo kale wuxuu ka hadlay xiisada weli ka jirta degmada B/xaawo ee gobalka Gedo, waxaana uu shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in wax waliba xalka laga abaaro.

Dhinaca kale waxa uu baaq u diray dhinacyada isku haaya degmada B/xaawo ee gobalka Gedo, wuxuuna ka dalbaday inay ka heshiiyaan khilaafaadka iminka ka dhex jira, si shacabku ay nabad ugu wada noolaadaan.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayaa waxaa soo ifbaxaayay warar la isla dhexmaraayay oo sheegayay in la xiray gudoomiyaha degmada Dooloow ee dowladda Soomaaliya C/rashiid Xasan C/nuur (Janan), inkastoo iminka uu gudoomiyaha warkaas beeniyay.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved