HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Sunday, February 14, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Salaad Cali Jeelle oo dhaliilo culus u jeediyay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.
Posted by Caagane on November 04 2013
Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee kasoo jeeda gobalada koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa waxa uu dhaliilo culus u jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya uu haatan madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Salaad Cali Jeelle oo wareeysi siinayay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda federaalka uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ay si gaabis ah ku shaqeeyneyso, xilli laga doonaayay inay wax qabad muuqdo la timaado, waa sida uu hadalka u dhigayee.

Wuxuu sheegay in dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ay iminka guda gashay sanadkii labaad ee jiritaankeeda, xilli uu sheegay inay ka gaabisay dagaalada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in qorshaha uu ahaa in sanadka ugu horeeyo dowladda laga doonayay inay si buuxdo gacanta ugu wada dhigto gobalada koonfurta iyo bartamaha ee dalka islamarkaana ay ka wada saarto Xarakada Al-shabaab, isagoona arinkaasi rajo xumo ka muujiyay.

Wuxuu ugu dambeyn tilmaamay in haddii ay dowladdu sidaan kusii shaqeeyso ay adkaan doonto in dalka Soomaaliya oo dhan ay ka hirgeliso doorasho ay dadka Soomaaliyeed codkoodu ku dhiibanayaan.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved