HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Friday, May 06, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Madaxweyne Xasan Sheekh "Al-Shabaab nagama hor-istaagi karaan horumarka"
Posted by Caagane on November 09 2013
Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyey falkii qaraxa ahaa ee habeenkii xalay ay kooxaha nabad diidka u geysteen Hotelka Maka-Al-Mukurama ee magaalada Muqdisho, kaas oo ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

"Si kulul baan u cambaareyneynaa falkaan waxashnimada ah ee kooxaha argagaxisada Al-shabaab ay ka fuliyeen wadada Makka Al-mukurama oo ay dad aan waxba galabsan ku dileen, kuwaana ay ku dhaawaceen. Ujeedadoodu waa shacabka geliya argagax oo yeysan Horumarka socda sii wadin, laakin, waxaan si cod dheer ah ugu sheegeynaa nagama hor-istaagi kartaan horumarka, nabadda iyo maamul wanaaga aan ku talaabsanay, waana ku sii dhiiraneynaa islamarkaana aan sii labo jibaareynaa dadaalka horumarka, nabadda iyo maamul wanaaga." Sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale tacsi u diray shacabka waxana uu yiri "Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhu Raajicuun, waxaan halkan tacsi ugu dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii, iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen intii ku dhimatay falkan qaraxa oo ay gacan ka gardaran dishay, sidoo kale dhamaan inta dhaawaca ah waxaan EEBBE uga baryayaa inuu dhaawacooda u fududeeyo oo ay dhaqso uga kabtaan dhaawacooda."

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay shacabka inay gacan siiyaan hay'adaha amniga si loo soo afjaro dagaalka lagula jiro kooxahan nabad- diidka ah.

- DHAMAAD -

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson
Office of the President of Somalia
Yarisow@presidency.gov.so

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved