HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Wednesday, February 10, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Faah faahin ku saabsan dagaal la isku jilbo dhigtay oo ka dhacay duuleedka Kismaayo.
Posted by Caagane on November 10 2013
Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dagaal culus oo duuleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose habeenkii xalay ku dhexmaray ciidamada maamulka KMG ee Jubba oo garab ka helaaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah.

Dagaalkaas ayaa sida la sheegay bilaawday ka dib markii ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay weeraro culus ku qaadeen fariisimo ay duuleedka magaalada Kismaayo ku lahaayeen ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka KMG ee Jubba.

Labada dhinac ayaa waxay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana uu dagaalka socday muddo ku dhaw hal saac, waxayna dhinacyada dagaalay kala sheegteen guulo.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo ah afhayeenka ciidanka Xarakada Al-shabaab oo warbaahinta afkooda ku hadasha la hadlay ayaa sheegay inay guulo ka gaareen dagaalka ka dhacay duuleedka Kismaayo, isagoona sidoo kale tilmaamay in dagaalkaasi ay ku dileen ciidamo badan oo ka tirsan kuwa maamulka KMG ee Jubba iyo kuwa Kenya.

Dhinaca kale, afhayeenka maamulka KMG ee Jubba C/naasir Seeraar ayaa isna sheegay in dagaalkaasi ay guulo waaweyn ka gaareen islamarkaana ay iska caabiyeen weerarka ay kusoo qaadeen Xarakada Al-shabaab.

Xaaladda goobihii lagu dagaalay ayaa saakay ah mid degan, mana jirto wax dagaal oo maanta halkaasi ka socdo, waxaana inta badan dagaalada dhexmara ciidamada maamulka KMG ee Jubba oo garabsanaaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ay waxyeelo xoogan kasoo gaartaa dadka shacabka ah.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved