HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Tuesday, February 09, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Madaxweyne Xasan Sheekh "Muwaadin kasta waa inuu helaa caafimaad tayo leh".
Posted by Caagane on November 10 2013
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegey in qodobadii kasoo baxay shirweynihii Qaran ee caafimaadka in dowladdu ay dhaqan gelineeyso si caafimaadka dalka loogu sameeyo dib-u-habeyn.

Shirweynaha caafimaadka dalka oo mudada sedax maalin ka socday magaalada Muqdisho ayna ka qeyb galayeen quburo iyo xirfadlayaasha caafimaadka ayaa waxaa laga soo saaray shan qodob oo saldhig u noqonaya horumarinta caafimaadka dalka Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda horumarinta adeega bulshada ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu casuumay dhaqaatiirta iyo xirfadleyda Soomaaliyeed ee ku howlan arimaha caafimaadka oo ay ka mid ahaayeen macalimiin jaamicadaha caafimaadka dalka.

Qodobada kasoo baxay shirka ayaa ahaa in la hagaajiyo maamulka iyo maareeyntiisa, istraatejiyad iyo siyaasad caafimaadka dalka, sharciyada caafimaadka, hogaanka, iyo in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray shirweynaha caafimaadka ayaa yiri

"Dowladdu ahmiyad gaar ah ayey siineysaa tayeynta caafimaadka oo ah aasaaska nolosha iyo in dowladdu ay dhaqangelin doonto shanta qodob ee aad ka soo saarteen shirweynahan muhiimka ah."

"Waxaan balan qaadeenaa wixii karaankeena ah in aan ku kabno hooyada, canuga iyo waayeelka soomaaliyeed in uu caafimaad helo iyo in qof waliba oo soomaali ah uu meesha uu joogo uu ka helo meel uu daawo u doonto marka uu xanuunsado" Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Shirweynahan ayaa ka mid ahaa shirar ay dowladdu horey u qabatay oo looga hadlayey arimaha muhiimka ah. Ujeedada shirarkan qaran ayaa ah in shacabka laga qeyb galiyo talooyinka muhiimka ah si ay dowladdu u dhaqan geliso fikir Soomaaliyeed oo ay khubaradii Soomaaliyeed falanqeeyeen, ka doodaan, go’aano muhiim ahna kasoo saareen.

-DHAMAAD-

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson, Office of the President of Somalia,
yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com,
Twitter: @thevillasomalia or @engyarisow +252615479911

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved