 |
NAVIGATION |
 |
 |
BBC SOMALI |
 |
 |
VOA SOMALI |
 |
 |
FIND US ON FACEBOOK |
 |
 |
RANDOM MEDIA |
 |
 |
SOMALI LINKS |
 |
 |
WORLD NEWSPAPERS |
 |
|
 |
Rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda Soomaaliya oo dhac baahsan u geeystay dad shacab ah.
May 18 2013 09:59:24
|
 |
Wararka ka imaanaaya gobalka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda Soomaaliya ay dhac baahsan u geeysteen dad shacab ah oo gaari rakaab ah saarnaa.
Dadkaan oo dhanka magaalada Marka ka yimid ayaa la sheegay markii ay usoo dhaw yihiin degmada Afgooye inay la kulmeen rag hubeeysan oo wadada dhex taagan.
Waxay ku amreen inay soo wada degaan dhamaan rakaabka islamarkaana waxay bilaabeen inay baarasho kula dhaqaaqaan.
Haweenkii waxay ka qaateen lacag, dahab, moobeelo iyo wixii ay heeysteen, halka raggana sidoo kale waxay wateen ay ka furteen, iyaga oo aan waxba u reebin.
Dadkaasi ayaa iyaga oo cabaadkooda baxaayo waxay yimaadeen degmada Afgooye, iyadoona maamulka dowladda Soomaaliya ee Sh/hoose aysan arinkaasi waxba ka qaban.
Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.
|
 |
Post Your Comments |
 |
|
    
 |
Login |
 |
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|