HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Friday, May 06, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra'iisul wasaare Saacid oo sida ugu dhaqsiyaha badan looga yeeray xarunta Xalane.
Posted by Caagane on November 12 2013
Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra'iisul wasaare Saacid looga yeeray xarunta ugu weyn ciidamada AMISOM ee Xalane ee ku taala magaalada Muqdisho, halkaas oo sidoo kale fariisin u ah safaaradaha dowladaha reer galbeedka.

Labada mas'uul ayaa la doonayaa in khilaafka soo kala dhexgalay halkaasi lagu xaliyo, waxaana goobta looga yeeray ku sugan mas'uuliyiin cadaan ah oo isku dayaya inay xaliyaan khilaafka soo kala dhexgalay labadaasi mas'uul, si nabad iyo kala dambeyn loo helo.

Khilaafka soo kala dhexgalay labadaan mas’uul ayaa yimid ka dib markii ay isku qabsadeen magacaabista wasiirada cusub, iyadoo la sheegayo in madaxweyne Xasan Sheekh uu wado abaabulka qorshe uu ku doonayo inuu meesha ka saaro ra'iisul wasaare Saacid iyo gebi ahaanba xukuumadiisa, halka ra'iisul wasaare Saacidna uu arinkaasi ka biyo diidan yahay.

Wararkii u dambeeyay ee la helay ayaa waxay sheegayaan in labada mas'uul ay weli isku hayaan xubnaha golaha wasiirada cusub, waxaana la sheegayaa ra'iisul wasaare Saacid uu diyaariyey liiska 23 wasiir oo ka mid noqon doona wasiirada xukuumadda cusub.

Wasiirada cusub ayaa sida la sheegay ka maqan wasiiro ay si aad isugu dhow yihiin madaxwayne Xasan Sheekh oo uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibadda Marwo Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, taas oo keentay in madaxweynaha uu arinkaasi si weyn uga caroodo.

Lama oga sida uu xaalka ku dambeeyn doono, waxaana socda kulamo gooni gooni ah oo ay labada mas'uul la yeelanaayaan qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoona sidoo kale la filaayo in khilaafka ka dhex taagan labadaasi mas'uul la xaliyo.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved