HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Saturday, February 06, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Wasiirada arimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya oo warbixin kooban siisay saxaafadda Muqdisho.
Posted by Caagane on November 12 2013
Ra'iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee dowladda Soomaaliya Marwo Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hogaamineyso oo cishooyinkii ugu dambeeyay howlo shaqo u joogay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Wasiirada ayaa ka warbixisay heshiiska ay dowladda Soomaaliya la saxiixatay dowladda Kenya oo ku saabsan dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha ku yaala wadankaasi.

Waxay sidoo kale sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya ay laanta qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey (UNHCR) kala kaashan doonto dib u soo celinta qaxootigaasi, iyadoo tilmaamtay in aanu qorshaha ku jirin dib u celin qasab ah, hadba la celin doono qoyskii doorbida inuu ku noolaado dalkiisa iyo deegaankiisa.

Waxaa xusid mudan in 3-dii bishaan November, heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Nairobi, ra'iisul wasaare ku-xigeen ahna wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee dowladda federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka arimaha dibadda dowladda Kenya Marwo Aamina Maxamed, iyadoo heshiiskaasi uu qeexayo in qaxootiga Soomaaliyeed ee tiradiisu lagu sheegay hal milyan oo ruux dib loogu celiyo Soomaaliya inta lagu guda jiro muddo sedex sano ah.

Dowladda Kenya ayaa waxaa hadda u diiwaan geshan qaxooti ahaan 610,000 ruux , halka 500,000 qof aan diiwaan geshaneen oo qaxooti ah ay ku kala nool yihiin xerooyinka Dhadhaab, Kakuma iyo goobo kale.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved