HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Saturday, February 06, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta la hadlay warbaahinta Muqdisho.
Posted by Caagane on November 12 2013
Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ugu baaqay dhamaan kooxaha dagaalamay inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalada ka socda gobolka Sh/dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in taliyaha ciidanka xooga dalka uu ku guuleystay inuu dagaalada joojiyo islamarkaana uu ciidamo kala dhex dhigo labada dhinac ee dagaalka dhexmaray.

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in ciidanka xoogga uu ku guuleystey in shacabkii barakacay lagu soo celiyo guryahoodii.

"Dadkii barakacay ee dagaalada saameeyeen hadda waa nabad oo dagaaladdii waa lagu guuleystay in la joojiyo, dowladdu waxey qorsheyneysaa inay dib-u-heshiisiin dhex dhigto oo madax dhaqameedka iyo bulshada rayidka deegaanku waxey ku howlan yihiin sidii shirkaas dib-u-heshiisiinta uu u qabsoomi lahaa. Dagaalada iyo colaadahu waa inay joogsadaan oo labada dhinacba ay ka fogaadaan wax soo celin kara dagaalada". Sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey madax dhaqameedka, shacabka iyo bulshada rayidka ee deegaanka oo si dhab ah ula shaqeeyey dowladda Soomaaliya.

"Waxaan rajo ka qabnaa in dib u heshiisiinta socota ay noqoto mid waarta oo dadka deegaanka ay si wadajir ah oo nabad ah ay ku wada noolaadaan. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa AMISOM iyo Qaramada Midoobey oo iyagana dowladda ka saacidaya dhanka tasiilaadka". Ayuu madaxweyne Xasan Sheekh hadalkiisa kusoo gabagabeeyay

DHAMAAD

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson, Office of the President of Somalia,
yarisow@presidency.gov.so, media@presidency.gov.so, +252615479911
Facebook: Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved