HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Monday, May 02, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Dowladda Ingiriiska oo si kal iyo laab ah uga hadlay arinta ay golaha amaanka ku dhaqaaqeen.
Posted by Caagane on November 13 2013
Dowladda Ingiriiska ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadashay go'aankii kasoo baxay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay ku kordhiyeen ciidamada AMISOM, waxayna talaabadaasi dowladda Ingiriiska ku tilmaamtay mid loo baahnaa.

Danjiraha Ingiriiska u fadhiya Qaramada Midoobay Mark Lyall Grant oo wariyaasha kula hadlay magaalada New York ee dalka Mareekanka ayaa sheegay in kordhinta ciidamada AMISOM ay tahay tilaabo wax tar leh, isagoona sidoo kale sheegay inay soo dhaweeynayaan go’aanka golaha amaanku uu arinkaasi ku ansixiyay.

Wuxuu sidoo kale Danjire Mark Grant xusay in tilaabadaan ay keeni kareeyso in ciidamada AMISOM ay awood u yeeshaan u dhaqaaqida goobaha ay dalka Soomaaliya ka maamulaan Xarakada Al-shabaab islamarkaana ay ka hor tagaan weerarada ay Shabaabka ka geystaan Soomaaliya.

"Waxa uu go’aankaan keeni doonaa in ciidamada AMISOM ay horey u dhaqaaqaan islamarkaana ay Al-shabab meelo badan kula dagaalamaan, runtii sidaasna waanba ku dhiiri galinayaa" Sidaas waxaa yiri Mark Lyall Grant oo ah safiirka Ingriiska ee Qaramada Midoobay.

Wuxuu sidoo kale hadalkiisa ku daray in qaraarka golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu xitaa waxtar u leeyahay dadka ku nool goobaha ay Shabaabku ka taliyaan.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM ee haatan ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, islamarkaana la gaarsiiyo 22,126 askari, iyadoona tiradii hore u joogtay ay ahaayeen ilaa 17,731 askari, taas oo noqonaysa mid awooda ciidankaasi sii xoojisa.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved