HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Sunday, May 01, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


C/raxmaan Xasan Cadoow oo maanta xukun dil ah lagu xukumay.
Posted by Caagane on November 13 2013
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku xukuntay sarkaal ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, kaas oo ku eedeysnaa dil bareer ah oo uu u geystay sarkaal kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Korneel C/laahi Maxamed Muuse (Keyse) oo ah afhayeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xidigle C/raxmaan Xasan Cadoow oo ka tirsan taliska guutada koowaad ee ciidanka xooga dalka uu ku kacay amar diido islamarkaana dil bareer ah uu duuleedka degmada Mahadaay ee gobalka Sh/dhexe ugu geystay Maxuum Ismaaciil Axmed Cali.

Afhayeenka ayaa sheegay in xukunka dilka ah ay maxkamaddu u cuskatay aayadda 178-aad ee Suuratul Baqarah, aayadaha 33-aad iyo 45-aad ee Suuratul Maa’idah, qodobka 434-aad ee xeerka ciqaabka Soomaaliyeed iyo qodobka 19-aad ee xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay in eedaysanaha la xukumay uu haysto fursad 30 maalmood ah oo uu racfaan ku qaadan karo, si loogu gudbiyo maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeeysay oo askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo hore dil u geystay ay xukun dil ah ku xukunto maxkamada ciidamada qalabka sida, laakiin waxaa jirta askar dilal geystay oo aan lasoo qaban sida askari wiil kabo caseeye ahaa dhawaan ku dilay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaas oo goobta isaga baxsaday ka dib markii uu dilka geystay.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved