HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Tuesday, February 09, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Sahaydii ugu horeeysay ee gargaar oo la gaarsiiyay deegaanada ay duufaantu asiibtay ee Puntland.
Posted by Caagane on November 14 2013
Maamulka Puntland ayaa sheegay in sahaydii gargaar ee ugu horeeysay la gaarsiiyay qaar ka mid ah deegaanada ay duufaantu ku dhufatay deegaanada waqooyi bari ee Puntland.

C/laahi Jaamac Ilko-jiir oo ah wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Puntland ayaa sheegay in gargaar la gaarsiiyay tuulooyin ay ka mid yihiin Qarxis, Geel-hore, Cir-madoobe iyo tuulooyin kale oo ku yaala deegaanada ay duufaantu saameysay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in gargaarka la gaarsiisay goobahaasi uu ka yimid magaalada Boosaaso, isagoona xusay inay jiraan boqolaal qof iyo xoolo laga badbaadiyay meelaha ay roobabka dabeylaha wato ku dhufteen.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray inay jiraan dad iyo xoolo wali ku go’doonsan goobaha ay biyuhu wali ku jiraan iyo dad badan oo ku dhintay deeganadaasi.

Dadkaas dhintay ayaa waxa uu wasiirka sheegay inay u badnaayeen caruurta da’doodu ka yar tahay 7-jir iyo dadka waayeelka, isagoona dhinaca kale tilmaamay inay weli socdaan dedaalo kale oo la doonayo in gurmad lagu gaarsiiyo dadka ay musiibadu saameysay.

Ilaa 150 ruux ayaa guud ahaan la xaqiijiyay inay ku geeriyootay duufaantii wadatay roobabka ee ka dhacday deegaanada waqooyi bari ee Puntland, iyadoo laga cabsi qabo in dhimashada ay gaarto tiro intaas ka badan.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved