HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Friday, May 06, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Duqeyn culus oo maanta lagu qaaday deegaano ka tirsan gobalka J/hoose.
Posted by Caagane on November 14 2013
Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in diyaarado dagaal oo ay leedahay dowladda Kenya inay maanta duqeyn culus ka geysteen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalkaas.

Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa si gaar ah weerar duqeyn ku qaaday deegaanada Caanoole iyo Hoosingow oo ka tirsan gobalka J/hoose, waxaana duqeyntaasi ka dhashay sida ay maamulka KMG ee Jubba sheegeen khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray ciidamadii Al-shabaab ee la weeraray iyo dad shacab ah.

Afhayeen u hadlay maamulka KMG ee Jubba ayaa sheegay in sedex baarbuur oo nooca dagaalka ah lagu gubay duqeeynta diyaaradeed ee ay ciidamada Kenya geysteen, kuwaas oo uu afhayeenku sheegay inay iska lahaayeen Xarakada Al-shabaab.

Ilaa iyo haatan ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay taliska ciidanka Kenya ee gobalada Jubooyinka, kaas oo la sheegay in ciidankooda cirka ay duqeyn ka geysteen deegaanka Hoosingow iyo Caanoole ee gobalka J/hoose

Sidoo kalena ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al-shabaab oo ku aadan wararkaan sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen fariisimo ay lahaayeen ciidamadooda.

Si kastaba ha ahaatee, duqeyntaan maanta dhacday ayaa waxay kusoo beegmaysaa, xilli dhawaantaan taliska ciidanka Kenya ee Jubooyinka uu shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ka dalbaday inay ka fogaadaan goobaha ay Al-shabaab degan tahay amaba fariisimada ku leedahay.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved