HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Saturday, February 13, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Afhayeenka ciidanka AMISOM oo si kulul uga hadlay khilaafka madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra'iisul wasaare Saacid.
Posted by Caagane on November 17 2013
Taliska guud ee ciidamada AMISOM ayaa maanta markale si kulul uga hadlay khilaafka baahsan ee u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra'iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Korneel Cali Aadan Xumud oo ah afhayeenka ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay khilaafka soo if baxay ee u dhaxeeya madaxda ugu sareeya dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in khilaafkaan uu wel wel aad u badan ku beerayo howlgalka AMISOM ayna ka cabsi qabaan in saameyn badan ku yeesho howlahooda uuna dib u dhigo howlgaladii dalka looga xureeyn lahaa dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

"AMISOM waa ay ka xuntahay dhibaatooyinka khilaafka ah ee ka dhaxeeya madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, howlgalada aynu ka hayno dalka Soomaaliya saameyn ayay ku yeelan doonaan khilaafkaasi, balse maanta aynu joogno waxay AMISOM wadaa dadaalo lagu qaboojinaayo xiisadahaas" Sidaas waxaa yiri Korneel Cali Aadan Xumud.

Afhayeenka ayaa dhinaca kale xusay in wafdi sare oo ka tirsan AMISOM ay u direen madaxtooyada Soomaaliya, si ay kulamo ula qaataan madaxda sare gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra'iisul wasaare Saacid.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka maanta kasoo baxay taliska AMISOM ee ku aadan inuu saameyn ku yeelanayo howlgalkooda khilaafka madaxda sare ee dalka ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan khilaafka iyo kala fogaanshaha u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya iyo ra'iisul wasaarahiisa.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved