HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Friday, May 06, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Shir caalami ah oo loo qaban doono Soomaaliya iyo dowladda oo ka hadashay.
Posted by Caagane on December 11 2013
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dalalka Carabta ay u balan qaadeen inay Soomaaliya u qabanayaan shir gaar ah oo looga hadlaayo arimaha dib u dhiska dalka iyo sidii dowladda Soomaaliya looga gacansiin lahaa dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, si bey tiri dowladdu ay cagaheeda markale dib isugu taagto.

Dr. Maxamed Nuur Gacal oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda arrmaha dibadda iyo xiriirka caalamka Soomaaliya oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa sharaxaad kooban ka siiyey warbaahinta Muqdisho booqasho rasmi ah oo uu kusoo kala bixiyey lixda dal ee Khaliijka, kuwaas oo uu madaxdooda u gudbiyey fariin uu uga siday madaxweynaha Soomalaiya kuna saabsaneyd inay ka qeyb qaataan dib u dhiska Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha ayaa xusay in madaxda Khaliijka ay balan qaadeen in Soomaaliya ay u qaban doonaan shirweyne gaar ah oo looga hadlaayo dib u dhiska Soomaaliya, taas oo lagu go’aamin doono xilliga uu qabsoomayo shir ay madaxda Khsalaiijka maanta oo Talaado ah ku yeelanayaan magaalada Kuwait City ee dalka Kuwait.

"Shirka madaxda Khaliijka Kuwait ka furmaya ayaa waxaa lagu soo go’aamin doono xilliga loo qaban doono Soomaaliya shirka looga hadlayo dib u dhiska dalka, taas oo faa’iido weyn u ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana dhiirigelin doonto horumarka ka socda dalka iyo dib u dhiska ay wado dowladda” ayuu yiri Dr. Gacal.

Si kastaba ha ahaatee, dalalka Khaliijka ayaa ka mid ah dowladaha saaxiibka dhow la ah dowladda Soomaaliya, iyadoo shirweynaha ay u qabanayaan Soomaaliyana ay muujinayso sida ay uga go’antahay dhaqangelinta dhambaalka uga yimid madaxweynaha Soomaaliya ee ku aadan inay isgarab taagaan walaalahooda Soomaaliyeed, kana qeybqaataan horumarinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved