HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Thursday, February 11, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Wararkii ugu dambeeyay dagaal aad u culus oo dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.
Posted by Caagane on December 12 2013
Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helaayaa dagaal aad u culus oo habeenkii xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay, kaas oo dadka deegaanka ay mar qura ah kusoo wada tooseen daryanka madaafiicda iyo rasaas culus oo gudaha magaalada ka dhaceeysa.

Dagaalkaas oo sida la sheegay la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa bilaawday kadib markii ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay weeraro culus ku kala qaadeen dhowr fariisimo oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku yaala magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Weerarkii ugu horeeyay ee dagaalka uu ku bilaawday ayaa lagu qaaday fariisin ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen suuqa xoolaha lagu iibiyo ee ku yaala magaalada Baydhabo, waxaana weerarkaasi xigay labada weerar kale oo lagu kala qaaday labada goobood kale oo iyana ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa hubka la isku adeegsanaayay laga maqlay gebi ahaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Baydhabo, iyadoo aan weli la ogaan karin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, maadama uu xilligu ahaa xilli habeen ah islamarkaana ay adag tahay in la helo warar faah-faahsan oo ku saabsan inta uu qasaaradahaas la egyahay.

Qaar ka mid ah dadka ku sugan gudaha magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegeen intii uu dagaalka socday inay maqleen qaraxyo aad u waaweyn, kuwaas oo aan la ogeyn inay yihiin madaafiic dagaalka loo adeegsaday iyo inay yihiin qaraxyo dagaalka barbar socday oo lagu weeraray goobo ka mid ah gudaha magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale, ma jiraan wax hadal ah oo kasoo kala baxay maamulka magaalada Baydhabo ee dowladda Soomaaliya iyo Saraakiisha Xarakada Al-shabaab, kaas oo ay faah faahin kaga bixinayaan dagaalkaas.

Si kastaba ha ahaate, dagaalkaan xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa kusoo beegmaya xilli maalintii shalay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay digniin culus u jeediyeen siyaasiinta ku sugan magaaladaas, kuwaas oo ku amray in amaanka ay wax ka qabtaan ama ay magaalada isaga baxaan.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved