HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Friday, February 12, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Dr. C/weli Gaas oo jawaab kulul siiyay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole.
Posted by Caagane on December 12 2013
Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya haatana ah musharax u taagan xilka madaxtinimada maamulka Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal uu dhawaan ka dhawaajiyay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (C/raxmaan Faroole).

C/raxmaan Faroole ayaa dhawaan weerar afka ah ku qaaday Dr. C/weli Gaas, wuxuuna Dr. C/weli Gaas sheegay in adeerkiis Faroole uusan mudneyn in loo jawaabo.

Dr. C/weli Gaas ayaa tilmaamay in haatan Puntland ay u baahan tahay samata bixin balse aysan u baahnayn in hadalo kulul la isku dhaafsado warbaahinta.

"Maanta Puntland waxay u baahan tahay isbedel, isbedel nabad ah isbedel wax ka bedela nolasha dadka Puntland, waxay u bahan tahay isbedel amni, waxay u baahan tahay isbedel siyasadeed, waxay u baahan tahay isbedel dhaqaale, Baran uma baahna buur in la fuulo, Baran waxay u baahan tahay in lasoo booqdo, Baran waxay u bahan tahay in loo yimaado oo baahideeda la ogaado, adeerkey C/raxman doraad waa uu khudbeeyey hadalkii u yiri aniga ka Jawaabi maayo, laakin Baran iyo Puntland ayaa ka jawaabi doonto 8 Janaayo 2014" Sidaas waxaa yiri Dr. C/weli Gaas.

Wuxuu Dr. C/weli Gaas sidoo kale ka hadlay xaaladda Puntland, isagoo sheegay in ay jirto kala furfurasho dadkii ehelka ahaa ee Puntland wada dhistay, dhulkii Puntland oo kala maqan iyo dadkii is jeclaa oo maanta aan quluubtooda isu fiyoobeen.

Musharaxa ayaa reer Baran u sheegay in Puntland ay u bahan tahay cadaalad shaqsi kasta oo Puntland ah ama ha noqoto wiil madaxweyne ama ha noqoto qof caadi ah in loo sinnaado dhanka cadaladda, dhanka dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Dr. C/weli Gaas oo sidoo kale kasii hadlaayay cadaladda ayaa waxuu sheegay in loo baahan yahay Puntland aan ku ekaan dhanka Laamiga ee ka degta laamiga gaartana deeganada kale ee ka baxsan.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa imaanaya xilli maalintii doraad uu madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole uu sheegay in C/weli Gaas uu yahay qof beenaale ah oo aan mudneyn in mas'uuliyad loo dhiibo.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved