HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Saturday, February 06, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Faah faahin kasoo baxaysa qarax ka dhacay Hoteel ay degan yihiin xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Posted by Caagane on December 20 2013
Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helaayaa qarax aad u xoogan oo maanta ka dhacay Hoteelka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaas oo sida la sheegay ay degan yihiin xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Qaraxa ayaa sida ay sheegeen saraakiisha u qaabilsan amniga hoteelka Madiina waxa uu ahaa mobil lagu soo xiray waxyaabaha qarxa, kaas oo lasoo wacay sidaana uu ku qarxay, iyadoona wax khasaaro ah uusan geysan.

Sidoo kale warar qaar oo madax banaan ayaa iyaguna waxay sheegayaan in suun waxyaabaha qarxa lagu soo xiray uu meesha ku qarxay, isagoo wax dhibaato ah uusan geysan.

Xaaladda hoteelka uu qaraxa ka dhacay ayaa haatan ah mid degan oo caadi ah, waxaana uu qaraxa dhacay xilli ay inta badan Hoteelka ka maqnaayeen xildhibaanada iyo dadka kale ee deganba halkaas.

Qaraxa ka dib waxaa halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana ay goobta ka sameeyeen baaritaano xoogan, iyagoona muddo saacado ah xiray, iyagoona ciidamadaasi ay weli goobtaasi ku sugan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, sanadkii hore ayay ahayd markii rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen hoteelkaan Madina ee ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana ay weerarkaasi ku dileen dad kor u dhaafaya 12 qofood oo ay xildhibaano ku jireen.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved