HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Monday, February 08, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Qaramada Midoobay oo eedeeyn kulul u jeedisay ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo.
Posted by Caagane on July 14 2013
Warbixin ay soo saareen kooxda dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ee ka tirsan kuwa Midowga Afrika AMISOM ay si sharci daro ah u fududeeyaan in dhuxusha ay ka dhoofto dekadda magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.

Ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa beeniyay warbixin sanadeedka ay soo saareen kooxda dabagalka arimaha Soomaaliya iyo Eritrea ee Qaramada Midoobay.

Warbixintaan ayaa lasoo gaba gabeeyay ka hor dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.

Dagaalkaasi ayaa dhex maray ciidamo maleeshiyaad ah oo ku loolamaya gacan ku haynta magaalada Kismaayo, ka dib markii hogaamiyaha ururka Raaskambooni Sheekh Axmed Madoowe loo doortay madaxweynaha maamulka Jubbaland, kaas oo lagu dhisay bishii May ee sanadkaan.

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa weli ah mid kacsan, inkastoo dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeesatay dhisida maamulka Jubbaland ee uu hogaaminaayo Sheekh Axmed Madoobe.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii February sanadkii 2012-kii xayiraad kusoo rogay in dekadda magaalada Kismaayo laga dhoofiyo dhuxusha sharci darada ah, iyadoo ay aheyd isha ugu weyn ee dhaqaaluhu kasoo gali jiray Xarakada Al-shabaab, kuwaas oo muddo sanadooyin ah halkaasi gacanta ku haayay.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved