HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Friday, May 06, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DHAGEEYSO:- C/weli Gaas oo ka hadlay dhibaatooyinkii ka dhacay deegaanada Puntland.
Posted by Caagane on July 16 2013
Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay shaqaaqooyin iyo dagaalo ka dhacay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar iyo sidoo kale waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa marka hore si aad ah u cambaareeyay dhibaatooyinkii dhacay, waxaana uu sheegay inay yihiin wax aad iyo aad looga xumaado, isagoona tacsi u diray dhamaan ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.

"Marka hore walaahi waa nasiib daro dhibaatada dhacday, mana aheyn mid loo baahnaa aad ayaana uga xumahay runtii dadka naftooda ku waayay waxa ka dhacay Puntland, madaxweyne Faroole maadaama uu joojiyey doorashadii wuxuu qaatay go’aan fiican oo sax ah islamarkaana geesinimo leh, inkastoo loo baahnaa inuu horey u qaato, waana soo dhaweeynayaa go'aankaas" Sidaas waxaa yiri C/weli Maxamed Cali (Gaas).

C/weli Gaas ayaa ku baaqay in la xaliyo dhibaatooyinkii dhacay, islamarkaana lagu wada dhameeyo wada-hadal, waxaana uu sheegay inay haboon tahay in maamulka C/raxmaan Faroole uu ka shaqeeyo sidii aysan dhib dambe u dhicin, lana fiiriyo rabitaanka shacabka, kaas oo uu ku sheegay inuu yahay midka kaliya ee shaqeeyn karaaya.

Wuxuu sidoo kale baaq u diray waxgaradka iyo isimada Puntland inay arinkaan soo farageliyaan islamarkaana aysan noqon kuwa ka seexday dhibaatooyinka ka dhacaaya halkaasi, waxaana uu si cod dheer ah ugu sheegay inay arinkaasi go'aan kasoo saaraan.

HALKAAN KA DHAGEEYSO HADALKA C/WELI GAAS

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved