 |
NAVIGATION |
 |
 |
BBC SOMALI |
 |
 |
VOA SOMALI |
 |
 |
FIND US ON FACEBOOK |
 |
 |
RANDOM MEDIA |
 |
 |
SOMALI LINKS |
 |
 |
WORLD NEWSPAPERS |
 |
|
 |
Gudoomiye Tarsan oo si cajiib ah uga hadlay amaan xumida ka jirta magaalada Muqdisho.
May 13 2013 07:09:08
|
 |
Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa si cajiib ah waxa uu uga hadlay qaraxyada iyo amaan xumida ka taagan magaalada Muqdisho, xilli uu warbaahinta la hadlaayay.
Gudoomiye Tarsan ayaa sheegay ugu horeeyn in wax la yaab aysan ahayn qaraxyo iyo wax la mid ah in magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ay ka dhacaan, waxaana uu sheegay in dalalka caalmka horumaray inay qaraxyo ka dhacaan.
“Dadka waxa yar yar iyaga ayaa buun buuninaaya, laakiinse amaanka magaalada Muqdisho waa mid la isku haleeyn karo, caalamka ayeey wax ka dhacaan, tartankii orodada ee ka dhacaayay Mareekanka islamarkaana Helicopters lagu ilaalinaayay ayaa weeraro loo geeystay, Turkiga ayaa qaraxyo ka dhaceen, marka waxaas waa caadi” Gudoomiye Tarsan ayaa sidaasi yiri.
Gudoomiye Tarsan ayaa tilmaamay in amaanka magaalada Muqdisho uu intaan ka wanaagsanaan doono, hadii laga helo shacabka Soomaaliyeed inaysan qarin wax uu ku sheegay argagaxisada dalka Soomaaliya kusoo duushay.
Inta badan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa markii amaan xumida dalka ka jirta iyo qaraxyada dhaca la weeydiiyo waxay tusaale usoo qaataan dalal caalamka ka mid ah oo qaraxyo xoogan ay sidaan oo kale uga dhacaan.
Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.
|
 |
Post Your Comments |
 |
|
    
 |
Login |
 |
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|