HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Saturday, February 06, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Kooxo hubeeysan oo maanta gudaha suuqa Bakaaraha ku dishay askar ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Posted by Caagane on July 29 2013
Kooxo hubeeysan ayaa maanta gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxay ku dileen laba askari oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoona dilka askartaasi uu warar dheeraad ah kasoo baxaayo.

Labadaan askari ee la dilay ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen kuwa canshuuraha qaada ee loo yaqaano MINISHIIBIYO, waxaana la dilay xilli ay ku sugnaayeen qeybta qudaarta lagu iibiyo oo ku taalo suuqa Bakaaraha, iyadoona kooxdii dilka geeystay ay goobtaasi isaga baxsadeen.

Dilka ka dib ayaa waxaa goobtaasi gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa nabad sugida iyo booliiska, waxayna halkaasi ka sameeyeen howlgalo culus, mana jirto cid howlgaladaasi lagu soo qabqabtay.

Ciidamadaas ayaa markii dambe goobta ka qaaday meydka labadii askari ee la dilay, iyadoona goobta uu dilka ka dhacay ay markii dambe si caadi ah kusoo noqotay.

Mudooyinkaan dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kusoo badanaayay dilalka iyo qaraxyada, waxayna tani ka tarjumeeysaa in amniga magaalada uu yahay mid aad u liita islamarkaana uu faraha kasii baxaayo.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved