HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Monday, May 02, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DHAGEEYSO:- Siyaasi Soomaaliyeed oo kashifay arin mudooyinkii dambe si aad ah loo hadal haayay.
Posted by Caagane on August 11 2013
Waxaa maalmahaan dambe si aad ah usoo baxaaya warar sheegaya in magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo aad u xoogan oo ay wadaan siyaasiyiinta ku bahoobay kooxda qas-wadayaasha dalka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ururkii burburay ee Xizbul Islaam oo haatan ku sugan magaaladaas.

Shir xasaasi ah oo ay magaalada Nairobi ku wada yeesheen qaar ka mid ah saraakiisha ururkii burburay ee Xizbul Islaam iyo kooxda qas-wadayaasha oo qaarkood ee xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii soo maray dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu lafa guray arinta Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo sidii loo daba gedin lahaa dowladda federaalka Soomaaliya oo haatan madaxweynaha uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

C/sataar Xasan Cali oo ka mid ah siyaasiyiinta ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya islamarkaana si aad ula socdo waxa halkaasi ka dhacaaya ayaa wareeysi uu siiyay Idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho waxaa uu kaga warbixiyay uljeedada rasmiga ah ee dambeeysay shirkaasi ay wada yeesheen kooxda qas-wadayaasha iyo saraakiisha ururkii burburay ee Xizbul Islaam oo haatan Nairobi ku sugan.

Wuxuu C/sataar Xasan sheegay in kooxahaasi ay mudooyinkii dambe tagaayeen safaaradaha dalal badan oo ku yaala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, kaas oo ay safaaradahaasi kaga dhaadhicinayaan in dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ay ku fashilantay inay ka shaqeeyso isku keenida maamulada ka jira gobalada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in kooxdaasi ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay ku tagaan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, si ay taageero buuxo u siiyaaan madaxweynaha maamulkaasi C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (C/raxmaan Faroole) oo dhawaantaan shaaciyay in maamulkiisa uu xiriirka ujaray dowladda Soomaaliya.

Hadalkaan kasoo yeeray C/sataar Xasan Cali oo ah siyaasi ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa wuxuu imaanayaa xilli mudooyinkii dambe la hadal haayay in siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay dowladihii dalka Soomaaliya soo maray ay abaabulo ka wadaan Nairobi, kaas oo ay ku damacsan yihiin inay ku ridaan dowladda Soomaaliya oo uu haatan madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

HALKAAN KA DHAGEEYSO HADALKA C/SATAAR XASAN CALI

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved