HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Tuesday, February 09, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DAAWO SAWIRO:- Shir balaaran oo lagu taageeraayay go'aankii golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Posted by Caagane on August 24 2013
Shir balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, sida culimaa'udiin, odayaal, dhalinyaro, haween, xildhibaano iyo qurbe-joog kana dhacay hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu taageeray go'aankii 22 bishaan Agoosto kasoo baxay golaha wasiirada ee dowladda Soomaaliya, kaas oo lagu dalbanayay in xayiraada laga qaado ganacsade Axmad Nuur Jimcaale.

Shirkaan ayaa waxaa khudbado ka jeediyay mas'uuliyiin kala duwan, waxaana ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka, wuxuuna sheegay inuu si weyn u taageerayo go'aanka geesinimada leh ee golaha Wasiirada, wuxuuna xusay inay tahay waajib in dowladda Soomaaliya ay difaacdo hantida, sharafka iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

"Waxaan doonayaa anigoo ka faa'iideysanaya fursadan inaan baaq u jeediyo beesha caalamka, gaar ahaana golaha ammaanka iyo dowladda Mareykanka, waxaana leeyahay Axmad Nuur Jimcaale waa geesi u guntaday shacabkiisa, markii dowladdii dhexe burburtay oo dadkii kala carareen ninkii dadka qurbaha lacagaha uga soo qaadi jiray kuwii ku haray dalka, ee awoodi waayay inay cararaan, waxaana leenahay argagixiso shuqul kuma lahan" ayuu yiri Mudane Xeyd oo sheegay in haddii ay dhacdo in xayiraada lagu sii hayo ganacsade Axmad Nuur ay noqoneyso cadaawad loola dan leeyahay in lagu cuuryaamiyo hantida iyo horumarkiisa.

Waxaa iyaduna goobta ka hadashay Marwo Batuulo Axmad Gaballe oo ah guddoomiyaha haweenka, waxayna sheegtay inay cod dheer ku dalbanayaan in si deg deg ah xayiraada looga qaado ganacsade Axmad Nuur Jimcaale, oo ay xustay inay iyadu shaqsiyan u garaneeyso isla markaana weligiis lagu tuhmin falal argagixiso

"Waxaan leeyahay Axmad Nuur waa ganacsade xalaal miirad ah, oo shacabkiisa kaalin weyn u galay una abuuray shaqo kumanaan, ma ahan in loogu abaal gudo xayiraad iyo argagixiso ayaa looga shakiyay shacabku waa diiday arrintaas, mana ogolin, waana in si dhaqso ah looga qaado xayiraada" ayay tiri Marwo Batuulo oo intaasi raacisay in cida la dagaalanta Axmad Nuur ay tahay cid la dagaalantay horumarka dadka iyo dalka soomaaliyeed.

Sidoo kale, Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo goobta ka hadlay ayaa xusay in dadka maanta shirkaan isugu yimid ay badankooda yihiin dadkii ay dhibaatada u geysteen kooxaha argagixisada iyo qaswadayaasha ah, sidaasi darteedna aan marnaba looga shaki karin ganacsade Axmad Nuur inuu ku lug leeyahay arrimo fowdo iyo dhiig daadin.

"Anagu waxaan ka mid nahay kuwa ay dhibaatada u geysteen argagixisada ayna maalin kasta shirqoolka u dhigeeyso, sidaasi darteed Axmad Nuur, waxaan u muujineeynaa taageeradeena, beesha caalamkana waxaan leenahay ha la siiyo xorriyadiisa" ayuu yiri Sheekha oo xusay in caalamku uu qadariyo xorriyadda shaqsiga loona baahan yahay in aysan iyagu ku tuman xaquuqul insaanka ay sheegtaan.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdikariin Gabeyre oo isna goobta ka hadlay ayaa xusay inay nasiib darro tahay in shaqsi Axmad Nuur Jimcaale oo kale ah in la xayiro, maadaama uu yahay shaqsi waqtigiisa iyo maskaxdiisa u huray horumarinta bulshada soomaaliyeed, shaqona u abuuray kumanaan iyo kumanaan shacabka Soomaaliyeed ah.

Ugu dambeyntiina, Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in caalamka ay ceeb ku tahay shaqsi ay dawaladiisii iyo shacabkiisiiba taageerayaan oo ay codsanayaan in xayiraada laga qaado maadaama uu yahay shaqsi bulshada u adeega oo taakuleeya, agoonta, iyo dadka danyarta ah, dalkana ka hirgeliyay Iskoolo, goobo caafimaad, in loogu abaal gudo xayiraad, taasina loo fasiran karo in caalamku doonayo in aan la garab siinin shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji
xaaji11@gmail.com



Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved