HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Wednesday, May 04, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Sheeko qosol badan:- Ma xil qaran doonbaa mise waa ………..?
Posted by Caagane on May 10 2013
Arrinta aan hoos ku qorayaa waxay ka turjumeeysaa, qof doonaya in loo magacaabo xilka ra’iisal wasaarennimada Soomaaliya oo waraaqihiisii waxbarasho iyo khibraddiisii u geeyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. Bal ila eega doodda dhexmartay Xildoonaha iyo Madaxweynaha!!!!.

XILDOONE: MADAXWEYNE, ka dib markaan la shiray qabiilkeeyga, waxaa leygula taliyey inaan isu sharraxo jagada ra’iisal-wasaarennimada oo loo tartamayo, marka sidaas awgeeed, ayaan maanta kuugu keenay waraaqahaan aan ku muujinayo wax qabadkeeygii hore iyo waxbarashadii aan soo maray, ee waxaan kaa TUUGAYAA inaad ii magacaawdo jagadaas.

MADAXWEYNE: Raggu ma yara, qabaa’ilkuna kasii badan ee fadlan iga war sug intaan kala doorashada ku guda jiro, waa inaan arko ragga kaloo dhan intaanan qaraar gaarin.

XILDOONE: Madaxweyne, anigu ragga kale la mid maahi, oo waxaan ahay khabiir laga yaqaan dibedda dalka iyo gudihiisaba, waxaan la soo shaqeeyey gaalo iyo muslim, waxaanaan soo qabtay hawlo muhim ah. Midda kale qabiilkeeygu ma yara oo xaq baan u leeyahay in ley doorto, rag badan oo asxaab ah oo dawladda wax tari karana waan aqaan.

MADAXWEYNE: Aniga soomaali oo dhan baa i dooratay, iyagaanaan u ahay Madaxweyne, ee fadlan sug nasiibkaaga sida kuwa kale, waraaqahaagana u gee xogheynteeyda.

XILDOONE: Madaxweyne, anoo intaas oo dhan og, waxaan markale kaa TUUGAYAA inaad aniga ii magacaawdo jagadaas muhimka ah. Waxaan rabaa inaan dalkeeyga u shaqeeyo oo MUSIIBADA KA SAMATA BIXIYO !!!

MADAXWEYNE: Sidaad la socoto waxaan xulayaa qof u adeega UMMADDA soomaaliyeed, oo labaatan sano iyo dheeri lasoo jiiftey colaad iyo burbur. Sidaa weeye waxa waqtiga magacaabidda RW ay iigu dheeraatay, laakin hadda waqti dhow ayaan soo magacaabayaa qofkii nasiib u heli lahaa jagadaas.

XILDOONE: Madaxweyne, anoo kaaga mahad celinaya waqtiga dheer oo aad i siisay, berrito ballan ma siin kartaa Isimmada iyo dugeyda qabiilkeyga, kuwaasoo i soo faray inaan kusoo gaarsiiyo salaantooda, ayagoo jeclaan lahaa iney iyaguna kula kulmaan berrito, si ay weli kuugu faahfaahiyaan, qiimaha weyn oo ay ugu fadhido inaad ii doorato RW Soomaaliya.

MADAXWEYNE: Horay yaan isu aragnay raggaas, talooyinkii ay ii soo jeediyeenna wey ku mahadsan yihiin ee fadlan mar kale iga gaarsii salaan diirran!!

XILDOONE: Madaxweyne, ma waxaad i tiri berri ha ii yimaadaan?

MADAXWEYNE: Maya, sidaas kuma oran, ee fadlan adigu sida ragga kale sug nasiibkaaga!!

XILDOONE: Madaxweyne, anigu ragga kale WAXAAN DHEERAHAY KHIBRAD, oo waxaan ahay khabiir weyn oo adduunka laga yaqaan, dalkana muddo hadda joogey. Waxaan ahay nin wax qaban kara oo waxaa taas og soomaali oo dhan, markii ugu dambeeysey gaal aan la shaqeeyn jirey, wuxuu igu yiri waxaad istaahishaa in lagu siiyo billad sharaf, marka Madaxweyne anigu waxaan qaban karo inta kale ma qaban karaan!!! Isimmadii iyo duqeydiina wey ku sugayaan!!!

MADAXWEYNE: Isimmada iyo duqeyda horaan isu aragnay ee salaan iga gaarsii !!!!!

XILDOONE: Laakin Madaxweyne, qaar kale oo badan baa jira oo aadan weli arag !!!!!

MADAXWEYNE: Dad kaloo badan baa i sugaaya oo shirbaan gelayaaye, ee fadlan sug nasiibkaaga!!!!

XILDOONE: Madaxweyne, goormaan kuu imaadaa mar kale, isimmadiina weli waa ku sugayaane…..!!!

MADAXWEYNE: War waxaan ku iri, sug nasiibkaaga!!! oo waxaan ku weeydiiyey hadda ka hor DAWLAD malasoo shaqeeysay?

XILDOONE: Madaxweyne, dawlad iyo maamulkeed weli ma soo marin, laakiin siyaabo kale iyo waxyaabo badan ayaan aqaan oon khabiir ku ahay!!

MARKAA ayaa Xogheyntu, u soo gashay madaxweynaha, iyadoo waraaqo deg deg ah hortiisa dhigtay!!

Muddo dhowr saac ah ka dib ayaa jaalle xildoon kursiguu ku fadhiyey uu ka kacay, asagoon weli helin HAA iyo MAYA toona!!!! BAL MUU SUGO NASIIBKIISA SIDA MADAXWEYNUHU UU DHOWR JEER U TILMAAMAY!!!!!!

Qoraalkan gaaban waxa soo diyaariyey
Dr. C. Karaani
Karani38@aol.com
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved