HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Tuesday, February 09, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Kiiska Kismaayo iyo kala fikir duwanaanshaha ka jira.
Posted by Caagane on May 10 2013
Dadka oo dhan aad bay ula yaaban yihiin waxa socda, intooda badana waxa ay jecel yihiin inay la hadlaan qalabka warbaahinta iyagoo leh labo ajando oo iska hor imaanaya ama afkaar ad adag oo si weyn isku qilaafsan.

Qeyb ahaan waxa ay dadku leeyihiin waxa ka socda Kismaayo waa sharci daro waana caqabad siyaasadeed oo loo maleegay dowlada.

Kooxda kale ee kasoo horjeedana aragtidooda waxa ay tahay in dadka uu dastuurka u ogalaanaya xaqa ay u leeyhiin in maamulkooda ay iyaga dhistaan, sidaana meesha ay uga baxeeyso dhaqankii ay dowladihii kumeel gaarka digreetooyinka maamulada ku dhisayeen.

Ra'iisul wasaaraha iyo xubno ka tirsan wasiiradiisa ayaa ku guul dareeystay inay siyaasada dowlada kasoo iibiyaan madaxda hal adeega uu ka muuqdo ee Kismaayo wax ka abaabulaya, waxii xiligaasi ka danbeeyayna dowlada sida inaanay waxba ogeyn ayay dhegaha iyo indhahaba uga laabatay waxa Kismaayo ka jira.

Kismaayo waa magaalo xeeb istiraatiiji oo ah caasimada sadaxaad ee Soomaaliya, waana magaalo badanaa dadka falanqeeya ay ku tilmaamaan in xal lagu wada qanco oo leehala ay la mid tahay cirbid haboon madow luntay oo lahelay, waxaana magaaladaasi ay door firfircoon ka ciyaartay mudadii ay Soomaaliya colaada ka jirtay, iyadoo hadbana ku dhaceeysa gacanta labadii dagaalanta kii reerka u hara.

Sidoo kalana waa magaalo ay ku guul dareeysteen dowladihii kumeel gaarka in si un maamul shaqeeya ay uga sameeyaan xitaa hadii ciidamo shisheeye ay dowlada u qabteen.

Waxaase hada sii dheer in magaalada sida dhul caalami ah oo aanay cidina sheegan karin ay maamul u sameeynteeda ugu xisaabtamayaan dowlado kala duwan, gaar ahaan kuwa urur gobaleedka IGAD, waana meesha la dhihi karo waa halka ay sartu ka qurunsan tahay.

Dalalka IGAD oo badankood ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, qaarkood si toos ah iyo sidadbanba waxa ladhihi karaa arimaha Jubooyinka waxa ay ka dhax arkaan dano iyo istiraatiijiyado amaan dhaqaalo ama mid siyaasadeed oo dalalkooda quseeya, waana waa taa sababta ku adkeeyneysa in xaaladan cakiran ay u daayaan soomaalida gudeheeda.

Dalalkaan ayaa shir quseeya wax ka bedelka hab dhaqankoodii Soomaaliya oo ay codsatay dowlada federaalka waxa uu maanta uga furmayaa magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, waxaana dadka arimahaan isha ku haya ay sheegayaan inay adag tahay natiijo wax ku ool u ah Soomaaliya in shirkaasi ay kasoo baxdo hadii dalalkan ugu danbeyn ay ku qasbanaadaan in faragelinta ay ka daayaan Soomaaliyana dadka qaar waxa ay leeyihiin waxa suura gal ah in qas siyaasadeed oo aan la mahdin hadana in si hoose ay u fuliyaan waana marxalad kale oo ka baaraan deg iyo ka fiirsi dheer u baahan.

Dhinaca Kismaayo maamulka halkaasi ka jira ilaa hada waxuu is dareensiinayaa in guulo wax ku ool ah uu ka gaaray hadafkiisa siyaasiyiin caan ah iyo xildhibaano badana ay soo jiiteen iyagoo sidoo kale ayidaad kale ka helay maamulka Punland oo weli miizaankiisa siyaasadeed aan la dhayalsan karin arimahaasi oo idil madaxada Kismaayo waxay uga gol leeyihiin inay dowlada ku qaadacday howshooda ay cadaadis uga dhigaan dhab ahaana waxa ka socda Kismaayo odayaasha leysku aruuriyay iyo siyaasiyiinta ku qulqulaya marka aad eegto xaalada dhayalsi malaha.

Laakiin dowlada federaalka ayaa ku jiifta aqoonsiga ay caalamka gaar ahaan Mareeykanka ka heshay, iyadoo is dareen siineyso in natiijada Kismaayo kasoo burqata ay ku filan tahay laad siyaasadeed oo ay mar qura ku dhufato.

Laakiin dowladaan ayaa dhalashadeedii loogu wanqalay kumeel gaar ka bixida Soomaaliya, loona idmay inay kala maareeyso dal iyo dad aad u kala tagay mudo rubac qarni ku dhow dowladaasi curdunka ah iyo marxalada ka jirta gudaha dalka, marka leysku eego ayay falanqeeyayaasha qaar ku tilmaameen sida canug yar oo loo geliyay koor suud ah oo aad u qurux badan kana weyn welina u baahan in caalamka uu ka ilaaliyo cidii carqalad la dooneeysa.

Laakiin wax waliba ayaa la leeyahay waxa ay ku xirnaan doontaa sida ay arintani u maareeyaan madaxda dowlada ugu sareeysa, iskana xakameeyaan kala fakasho ku kala timaada heyadaha dastuuriga gaar ahaan baarlamaanka oo aad ugu nugul.

Sidoo kale waxa aan meesha laga saari karin furfurnaan siyaasadeed iyo dulqaad badan oo ay la yimaadaan madaxda oo qaarkood hada laga aqrisan karo in dabacsanaantii looga baahnaa ay meel iska dhigeen.

W/Q/ Wariye Yuusuf Axmed Abuukar (Kaynaan)
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved