HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Wednesday, February 10, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Deyrtii Baaqatey iyo Daruurtii Curan weyday.
Posted by Caagane on August 19 2013
Meeshu waa Arradan (Soomaaliya) waxaa dhacdey abaar ba’an oo dad iyo duug ma reeba ah, dadku jiilaalka iyo diraacda daba dheeraatay dartood waa is nacay, dabeecaddoodiina waa ka xumaatey, inkastoo dadka qaar halku-dhiggoodu yahay; “waa la doogiye yaan la dacaroon!” haddana dar aan dan ka lahayn ayaa badan.

Xooluhu badi waa dabar go’een waxaa soo hadhay Ikshinka( geel iyo Lo’) oo iyagana la ruqo qaado, dadka intooda badani waxay ku jiraan Moqoreysi ninkii xoog lahaa xoolihii socon karayeen, hore ayuu socday oo meel biyo leh ayuu ku dhawaaday, Ceelna waa dul degay.

Iyadoo dhibkaasi jiro, dadna kala soocmay, hase yeeshee aan deeq Ilaah iyo in cirku maalin uu soo darooro laga quusan, ayaa daruuri badhtanka cirka isku kala bixisay, Carruurtii oo dareensan dhibaatada jirta, goor qaydkooda la maydhona aan garanayn, ayaa ku hadaaaqey erayadan:

Roobboow rigloow noo da’

Riyo darariyoow noo da’

La yaab ma lahayn dadkaa mar qudha cirka wada eegay, waa hogol Ilaaheey ay na heshaa, noo hoortaayoo harraadku naga hadhaa ayaa dumarka dhirka hoos hoganayaa ku ducaysanayeen.

Dadku yididiilo kama dhammaato, ninba si ku sheeg, waxaa dhulka roob ugu dambeeysay, waa sanadii Arbacaad gugii da’ay, dayrtiina waa seejisay, gu’giina waa daba maray, iyadoo dhibkaasi jiro.

Waxaa laysku raacay in daruurtaa laga dhursugo, dadka qaarkii talo iyo tusaale midna ma hayaan, waayo surmiga iyo soomalhaadka dhacaya waa segagaray, cadceeddu ka kulul cadceedaha kale, dadkuna dulqaad uma laha, waxyar oo geed abaareed ah oo caleeni ku sii hadhay ayaa hoosiis laga dayayaa iyo waabo iyo dhir la daleeyey oo dhir kale lagu gurey si hoos looga helo.

Daruurtu waxay guurguurtaba dadkuna dhinacey u dilaanto, hadba u odorasaan meel heblaayey ku curanaysaa, nagama foga iyo waa Ilaahay mahaddii ee maruun ha biyo dhacdo.

Daruurtii meesheediina waa dhaafi weyday, dadkiina waa waayeen roobkay sugayeen, ninkii samir darnaa ee hubsiima xumaana dhaankiisii waa baajiyey.

Haddaba kor waayeel waa wada indho nin Odaya ayaa yidhi daruur weliba ma da’dee dadoow cirka suga, markuu idiin da’ona daayin ku xamdiya.

Roob doon iyo Rabbi bariba muddaa lagu oo jirey, ugu dambayntii daruurtii caad kala siibanaya iyo ceeryaamo ayay isu bedeshay waxaa mar keliya indhuhu qabteen cirkii midabkiisii leh, caad iyo daruurina aysan ka sokeyn, dadka qaarkii hadallo Alle kooda ayaa ka yimid: (War awalba inuusan roob da’ayn waan ogayn) qaarna waxay ku adkaysteen “Ilaahayoow adigaan kuu marti nahay” hase yeeshee niyad xumada laga wada siman yahay.

Aqristoow, weli waa lagu jiraa Abaartii, Dalka ay ka dhacday waa Soomaaliya, dadka oomanina waa Soomaali, Daruurtay sugayaana waa Dowladnimo.

Laakiin weli may di’in (hoorin) muddo sanad ah ayaa laga joogaa markaa laynagu yidhi dowladdu wax ka baxday ku meel gaadh, haddana ayaamo ka dib ayaa waxaa is qabsaday Or iyo Buuq, dadkii baa farax la geeraaray, dowladdii waa la Aqoonsaday, Shacabku intaasba wuxuu naawilayaa waa curashada Daruurta dul taagan ee dowladnimada mase hayo raadkeedii oo cirkay ku laalantahay.

Waxaase soo muuqday wejiyo cusub, (Hoggaanka Siyaasadda) haddana waxaa soo if baxay hammi iyo hanweyni fara badan oo dadku u qabeen.
Ma dhicin sidii laga filayey! Oo tolow maxaa helay? Ma dantaa u deyrisay mise dadkaan sidii la moodayey ahayn? Ka duwan kuwii hore?

Waa hoggaan ka soo billow ilaa Madaxweyne ilaa iyo Agaasime, aan gudan wixii laga sugayey. Af kala qaad, haddana anigu waxaan ka mid ahay dadka ugu niyadda samaa ee islahaa waxbaa is bedelay! Welina aan quusan, Laakiin dad aan arkayo socodkoodu sahan lagu negaado sooma wadaan.

Dadku muxuu sugayey?

In Dowladda madaxdeedu si hufan oo hoggaan iyo maamul wanaag ku jiro uga soo dhalaalaan shaqadooda, iyaga oo aan nin jeclaysi, koox jeclaysi iyo naf jeclaysi ku jirin.

In Xukuumadda iyo Taliska Ciidamada dhameystiraan la dagaallanka kooxaha Argagixisada ah, oo gebi ahaan dalka laga sifeeyo, dalka oo dhan uu ka jiro hal maamul kiyo hal ciidan.

In Dib loo hawl geliyo dhammaan adeegyadii bulshada, heer walba bulshadana la gaadhsiiyo maamul dhammeystiran dhinac walba.
In la sugo Ammaanka goobaha dowladdu ka taliso, si dadku u helaan nabad buuxda oo laysku halayn karo.

In La dhammeystiro Maamullada Gobollada iyo degmooyinka

In La qabto Tirakoobyo iyo diiwaan gelinta shacabka dhammaan gobollada dalka.

Afti loo qaaddayo Dastuurka hadda jira iyo nidaamka Federaalka ah(Beelaysiga)

In la mideeyo layskuna dhafo dhammaan Ciidamada kuwa Jabhadaha ah, kuwa Maamullada iyo kuwa dowladda u diiwaan gashan, hoggaan midana loo yeelo.
In la sii fursadaha Shaqooyinka, Mashaariicda iyo gargaarka bulshada Caalamku gaadho gobollada dalka oo dhan.

In dib loo soo nooleeyo awooddiisuna ay shaqeeyso, garsoor madax bannaanka, sida maxkamadda sare iyo xeer ilaaliyaha qaranka.

Haddaba waa Su’aale intaa maxaa ka qabsoomay Aqristoow?

Maxaa bedelay wixii la sugayey?

Ammaanka Caasimadda oo ahaa muraayadda dowladdu laga daawanayo oo dib u dhac weyni ku yimid, oo 40% isugu soo uruurtay inay dowladdu ammaanka caasimada sugto, waxaa ka dhacay qaraxyo iyo weeraro wada socda, sida; Kii maxkamadda gobolka Banaadir, xarunta Qaramada Midoobay, fadhiisimada dowladda Turkiga, dilka, kufsiga iyo qaraxyada oo noqday wax joogta ah.

Dowladda oo aan iska daa maamulada diiddan ee ka soo horjeedee kuwii oggolaa iyo gobolada taageersan ilaa hadda, xoreyntoodii iyo dhismihii maamulkooda waxba ka qaban.

Waxaase la yaab leh, qofkii dheefta sugaayey ee dhibtu gaadhay in cod dhiilo ah iyo dhaleecayn loogu sii daro.

Waxaa aad iiga maajiyey, goor aan maqlay codka wasiirradda adeegga bulshada, Marwo Maryan Qaasin oo leh, lama hadli karo, waxna lama sheegi karo, waxna lagama caban karo, (Wixii dhacaba dhankaaga qabsoo afkaaga ka dhawr waxbaa dhacay) haddana arrinkan wasiiraddu ka hadashay waa kii dalkoo dhami u burburay, lama hadli karo lamana caban karo.

Qofka bani aadamka ah wuxuu leeyahay xuquuq mid nafsi ah iyo mid aadmi ah, waxaa dhacda haddii qof dhib loo geeysto wuxuu ula irkadaa oo la aadaa halkuu is leeyahay, waxaad ku badbaadsan naftaada ama waxaad ka helaysaa Garsoor caddaalada, oo xaqaaga ayuu kuu soo dhicinayaa.

Haddii dhibanihii
Dhawaaqa lagu xiray
Ha dhaadie xanuune
Dhawrso lagu yiri
Ninkii dhibka falayna
Dhegaha loogu shubay
Maxay dhaamaan
Kuwii dhagaxyada
dadkeena la dhacay?
Maxaay dhamaan
Kuwii dhudhumada
Dhuuxyada gooyey
Dhallinyaradii?

Anigoo dhawaqa hadalka wasiiraddu dhegahayga ka sii yeerayo, ayaan haddana arkay, wiil la tooganayo, oo lagu eedeeyey inuu geeystay dilkii, Wariye Xasan Absuge.

Ma diidin in la eedeeyo, mana diidin in la xukumo, ma diidin in qofkii shacabka dhiba cadaalad iyo garsoor la marsiiyo, balse waxaan diiday qaabka loola dhaqmay ninka la dilayo. (Dambiile Dil Xaqiisana Dhawr)

Diinteenna iyo dhaqankeena midna ma qabo, qaabka ay ciidamada dowladdu wax u dilaan, waana qaab ka fog anshaxa iyo Asluubta bani aadminimo.

Qofku dambiile kasta uu yahay wuxuu leeyahay Xuquuq, taasoo oo ah mid bani aadminimo, Islaanimo, haddaba Maxaa dowladda intaas le’eg u diiday inay iney samaysto goob gaar ah oo lagu dilo dadka dambiilayaasha ah, Dhar iyo Lebis u gaar, tiroba in ka badan 20 ayaan arkay qaarkood ciidan yahay, oo dhammaantood Macawis iyo Shaati lagu dilay, inta tiir lagu tigtigayna, Maatida daawada la yidhi oo weliba Saxaafadana looga yeedhay.

Dhaqankani saw maaha kii Maxaakiimta ee Karbaashka iyo Gacmo gooynta, iyo Qoorgeeynta, dhagax ku dilka, fagaaraha iyo caruurta iyo haweenka lala dhex taagnaa.

Miyaanu maamul iyo xafiisyo iyo dad qaabilsan, Anshaxa iyo ilaalinta Xuquuqda aadanuhu jirin?

Daruurtii la filaayey ee kala durugtay miyeysan ahayn xaalkoodu?.

Haddii hoggaanka sare aysan meel walba joogin u garaabay, balse miyeysan arag qaladka dhacay oo isku dayin inay saxaan kan berito si aan mar kale qaladkaasoo kale u dhicin.

Dhimashada Shacabka iyo shaqaalaha dowladda oo maalin walba taagan, Kufsiga gabdhaha iyo marwooyinka oo noqday wax caadiya sida wasiiradu sheegtayna lagu qasban yahay in loo dulqaato oo aan laga jawaabin.

Haddii waxan oo dhami dowladeenu raalli ka tahay, ma noo da’day daruurtaan sugaynay, mise weli Abaartii iyo Omoskii ayaan dhex joognaa? Ma gaadhnay yoolkii iyo hadafkii dowladnimo, haba yaraatee? Ogooboo dowladnimo maaha hadda daaro Xamar laga dhiso iyo waddooyin Turkigu sameeyo ee waa nidaam iyo kala dambayn, sharciga oo qof walba ka weyn, dadka oo ammaankooda la sugo iyo dowladda oo ballanqaadkeeda fulisa, haddii kalena meesha ka baxda oo xilka iska wareejisa. (Ama waa la muuqdaa ama waa la maqan yahay, Ama madasha lama tago)

Cabdiraxiin H.Galayr
Galayr1977@hotmail.com
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved