Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo looga hadlay xaaladda amniga, dhaqaalaha iyo horumarka maaliyadeed ee dalka.
Kulanka oo uu shir-guddoomiyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa golaha lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda amniga dalka iyo hawlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen ciidamada qalabka sida.
Warbixinta amniga ayaa lagu sheegay in isbeddello wanaagsan laga sameeyay dhinaca sugidda amniga, iyadoo ciidamada dowladda ay horumar ka sameeyeen goobihii dagaalladu ka socdeen, isla markaana ay dowladda sheegtay inay jab xooggan gaarsiiyeen maleeshiyaadka Al-shabaab.
Dhinaca dhaqaalaha, golaha wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay wasaaradda maaliyadda oo ku saabsan xisaab-xirka sanadeedka 2025, kobaca dhaqaalaha, dakhli-uruurinta gudaha iyo dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dowladda.
Sida lagu sheegay warbixinta wasaaradda maaliyadda, dhaqaalaha dalka ayaa kordhay boqolkiiba 3.1%, gaar ahaan marka loo eego wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP).
Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa, kadib warbixinta, carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya gaarto isku-filnaansho dhaqaale, iyadoo xoogga la saarayo wax-soo-saarka gudaha, ka faa’iidaysiga khayraadka dalka, kordhinta dakhliga gudaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga.
Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku baaqay in la xoojiyo daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed, isla markaana si hufan loo maareeyo khayraadka dowladda.
Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wasaaradda maaliyadda ku ammaanay horumarka laga sameeyay maamulka maaliyadda, isagoo xusay qiimeyntii uu xafiiska hanti-dhowrka guud ku sameeyay hab-maamulka maaliyadeed ee dowladda, taas oo uu sheegay inay heshay qiimeynta ugu sarreysa ee hufnaanta.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi ayaa sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu si tartiib ah uga soo kabanayo caqabadihii hore, isla markaana dowladda ay hiigsaneyso in dalka uu mustaqbalka gaaro isku-filnaansho dhaqaale oo yareeya ku-tiirsanaanta taageerada dibadda.