Madaxweyne Cirro oo shaaciyay qorshaha ay Somaliland dooneyso inay kaga dayato Jabuuti

Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro)

Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay dooneyso inay qaadato hannaan uu ku tilmaamay mid la mid ah kan Jabuuti, si ay u hesho aqoonsi caalami ah iyo iskaashi istiraatiiji ah oo ay la yeelato dalalka awoodda badan.

Madaxweyne Cirro ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay The Economist, isagoo sheegay in Somaliland ay qorsheyneyso inay xoojiso xiriirka ay la leedahay quwadaha waaweyn, taas oo uu ku tilmaamay mid kaalin ka qaadan karta dadaallada ay ugu jirto raadinta aqoonsi caalami ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu qorsheynayo safar uu ku tago dalka Mareykanka, halkaas oo uu rajeynayo inuu kula kulmo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo muujiyay rajada ah in Mareykanku noqdo dal kale oo aqoonsada Somaliland.

Dhinaca kale, madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay iskaashi dhinaca amniga ah la yeelato Mareykanka iyo Israa’iil, gaar ahaan sugidda amniga Badda Cas, isagoo tilmaamay in labada dal loo oggolaan karo inay ka faa’iideystaan goobaha muhiimka ah ee Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa arrintaan ku macneeyay qorshe ay Somaliland dooneyso inay ku xoojiso xiriirka ay la leedahay quwadaha caalamka, iyadoo iskaashiga dhinaca amniga iyo ilaalinta danaha muhiimka ahi ay qayb ka noqon karaan dadaallada lagu raadinayo aqoonsi.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray madaxweyne Cirro ayaa kusoo beegmaya xilli Somaliland ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso inay ku hesho aqoonsi caalami ah, iyadoo arrintaasi ay weli tahay mid muran siyaasadeed ka dhex abuurta Soomaaliya iyo Somaliland.