Khayre oo ka hadlay iska horimaadkii maanta ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Muqdisho

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa si adag uga hadlay iska horimaadkii maanta ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah shacabka deegaanka.

Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u diray qoysaska dadka uu sheegay inay ku dhinteen iska horimaadkaas, isagoo sidoo kale Alle uga baryay dadka dhaawacmay inuu caafimaad siiyo, wuxuuna sheegay in iska horimaadka ka dhacay degmada Yaaqshiid uu yahay arrin u baahan in si dhab ah looga jawaabo.

Inta la xaqiijiyay, iska horimaadkaasi waxaa ku dhintay saddex qof, halka tiro kale oo badan ay ku dhaawacmeen, iyadoo illaa iyo haatan maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha amniga dowladda aysan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadaan.

Dhinaca kale, Khayre ayaa dhaliil culus u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay in ciidamada qaranka loo adeegsanayo barakicinta dadka danyarta ah iyo tallaabooyin waxyeello u geysanaya shacabka, wuxuuna sheegay in ciidanka dowladda loo baahan yahay in loo adeegsado sugidda amniga iyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, hadallada kasoo yeeray ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa kusoo beegmaya xilli degmada Yaaqshiid ay weli ka taagan tahay xiisad ka dhalatay howlgal lagu burburinayay guryo ku yaalla xaafadda Tookiyo.