Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Charles King, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xaaladda amniga dalka iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.
Wasiir Fiqi iyo Danjire Charles King ayaa kulankooda kaga hadlay howlgallada socda ee ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, iyo sidii loo sii xoojin lahaa taageerada ay boqortooyada Ingiriiska siiso hay’adaha amniga Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla eegay arrimo la xiriira horumarinta awoodda ciidamada Soomaaliya iyo xoojinta wada-shaqeynta labada dal, si loo yareeyo khataraha kooxaha argagixisada ah, loona taageero dadaallada lagu sugayo amniga dalka.
Ugu dambeyn, wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Ingiriiska taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada amniga iyo difaaca.
Si kastaba ha ahaatee, kulanka ayaa qeyb ka ah wadatashiyada joogtada ah ee Soomaaliya iyo boqortooyada Ingiriiska, kuwaas oo diiradda lagu saarayo la-dagaallanka argagixisada, dhisidda awoodda ciidamada iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.