Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kormeer ku tagay xarunta lagu diyaarinayo warbixinta xukuumadda

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo kormeer ku tagay xarunta lagu diyaarinayo warbixinta xukuumadda

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, halkaasi oo lagu diyaarinayo warbixinta waxqabadka xukuumadda DanQaran ee muddada 2022–2026.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi ayaa markii uu gaaray xarunta waxa uu warbixin ka dhageystay howl-wadeennada ku howlan diyaarinta dukumentiga, kuwaas oo soo bandhigay waxyaabihii ay xukuumaddu ka qabatay lixda tiir ee qorshaheeda, oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dib-u-heshiisiinta, xiriirka caalamiga ah iyo garsoorka.

Ra'iisul wasaaraha oo kormeeray xarunta lagu diyaarinayo warbixinta waxqabadka xukuumadda DanQaran
Ra'iisul wasaaraha oo kormeeray xarunta lagu diyaarinayo warbixinta waxqabadka xukuumadda DanQaran

Waxa uu ra’iisul wasaare Xamse sheegay in xukuumadda DanQaran muddadii ay jirtay ku tallaabsatay guulo uu ku tilmaamay wax-ku-ool, kuwaas oo saldhig u ah qorshaha isbeddelka qaranka iyo hiigsiga Soomaaliya ee sannadka 2060, isagoona xusay in horumarka la gaaray uu ka muuqdo dhinacyo kala duwan oo ay dowladda mudnaanta siisay.

Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leeyihiin midnimada, isku-duubnida iyo wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha dowladda, isagoo sheegay in Soomaaliya ay hiigsaneyso dal mideysan, amni leh, khayraadkiisa ka faa’iideysta, isla markaana dhaqaale ahaan isku filnaada.

Ra'iisul wasaaraha oo kormeeray xarunta lagu diyaarinayo warbixinta waxqabadka xukuumadda DanQaran
Ra'iisul wasaaraha oo kormeeray xarunta lagu diyaarinayo warbixinta waxqabadka xukuumadda DanQaran

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in himilada dowladda ay tahay in la gaaro Soomaali mideysan oo ka gudubta caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed, isagoo tilmaamay in waddada horumarku ay tahay mid dheer oo u baahan dulqaad, adkaysi iyo dadaal joogto ah.

Ra'iisul wasaaraha oo kormeeray xarunta lagu diyaarinayo warbixinta waxqabadka xukuumadda DanQaran
Ra'iisul wasaaraha oo kormeeray xarunta lagu diyaarinayo warbixinta waxqabadka xukuumadda DanQaran

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xamse ayaa sheegay in diyaarinta warbixinta waxqabadka ay qeyb ka tahay dhaqanka isla-xisaabtanka dowladda, iyadoo ujeeddadu tahay in shacabka Soomaaliyeed si cad loogu soo bandhigo waxqabadkii iyo natiijooyinkii ay xukuumaddu gaartay muddadii ay xilka haysay.