Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa go’aan ka soo saartay dacwad la xiriirtay doorashooyinka isku-sidkan ee golaha wakiillada iyo goleyaasha deegaanka ee maamul goboleedka Galmudug.
Maxkamaddu, oo dhageysatay dhinacyada dacwadda isla markaana qiimeysay doodaha iyo caddeymaha loo soo gudbiyay, ayaa ugu dambeyn go’aamisay in doorashadii 30-kii Luulyo 2026 ka dhacday Galmudug aysan waafaqsanayn dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka.
Sidaas darteed, maxkamaddu waxay sheegtay in natiijadii doorashadaasi aysan lahayn jiritaan sharci ah, iyadoo amartay in dib loo qabto doorashada golaha wakiillada iyo goleyaasha deegaannada Galmudug.
Maxkamaddu waxay guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha fartay inuu waqtiga ugu dhow ee macquulka ah qabto doorasho cusub, iyadoo la raacayo dastuurka, sharciga doorashooyinka iyo xeerarka kale ee khuseeya geeddi-socodka doorashada.
Sidoo kale, go’aanka Maxkamadda ayaa qeexaya in, si loo ilaaliyo danta guud iyo joogteynta adeegyada dowladnimo, hay’adaha iyo masuuliyiinta xilalka haya ay sii wataan shaqadooda ilaa laga helayo hay’ado cusub oo ku yimaada doorasho waafaqsan sharciga.
Si kastaba ha ahaatee, go’aankaan ayaa saameyn toos ah ku yeelanaya geeddi-socodka siyaasadeed iyo doorashooyinka Galmudug, iyadoo guddiga doorashooyinka laga sugayo inuu dejiyo jadwal cusub oo lagu qabanayo doorashada ay Maxkamaddu amartay.