Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka qayb galay munaasabad heer qaran oo ka dhacday Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo lagu maamuusay maalinta calanka Soomaaliyeed ee 12-ka Oktoobar, taas oo astaan u ah gobannimada, midnimada iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta madaxtooyada qaranka ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka iyo saraakiisha ciidamada qalabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka qayb galay munaasabad heer qaran oo ka dhacday Muqdisho
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka qayb galay munaasabad heer qaran oo ka dhacday Muqdisho

Sidoo kale, cutubyo ka kala socday ciidamada dhulka, cirka iyo badda ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay dhoollatus ciidan oo muujinayay doorkooda ku aaddan difaaca qaranka, madax-bannaanida dalka iyo ilaalinta calanka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka qayb galay munaasabad heer qaran oo ka dhacday Muqdisho
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka qayb galay munaasabad heer qaran oo ka dhacday Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa ku muujiyay qiimaha taariikheed ee 12-ka Oktoobar iyo kaalinta uu calanka Soomaaliyeed ku leeyahay sharafta iyo karaamada shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka qayb galay munaasabad heer qaran oo ka dhacday Muqdisho
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka qayb galay munaasabad heer qaran oo ka dhacday Muqdisho

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in calanka Soomaaliyeed uu astaan u yahay midnimada shacabka, halgankii gobannimo-doonka iyo naf-hurnimadii halgamayaashii u soo dagaallamay xorriyadda dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka qayb galay munaasabad heer qaran oo ka dhacday Muqdisho
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka qayb galay munaasabad heer qaran oo ka dhacday Muqdisho

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusuus iyo maamuus gaar ah u diray halgamayaashii naftooda u huray xorriyadda, madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ku abaalmariyo shuhadadii Soomaaliyeed ee u naf-waayay difaaca dalka, diinta, dadka iyo qarannimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka qayb galay munaasabad heer qaran oo ka dhacday Muqdisho
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka qayb galay munaasabad heer qaran oo ka dhacday Muqdisho

Si kastaba ha ahaatee, maanta oo ku beegan 12-ka Oktoobar ayaa sannad kasta loo dabaaldegaa maalintii ugu horreysay ee la taagay calanka Soomaaliyeed, sannadkii 1954-kii, xilli shacabka Soomaaliyeed ay ku jireen halgankii gobannimo-doonka iyo u diyaar-garowga madax-bannaanida dalka.