Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka wakiillada Mareykanka ayaa ka hadashay baaritaan la sheegay in saraakiil federaal ah ay ku sameeyeen gurigeeda ku yaalla Washington, D.C., iyadoo sheegtay inay nabad qabto, isla markaana aysan oggolaan doonin in tallaabadaasi ay ka hor istaagto inay si xor ah u cabbirto aragtideeda siyaasadeed.
Qoraal ay ku baahisay barta bulshada ee X ayay Ilhaan ku sheegtay in baaritaanku qayb ka yahay isku day lagu beegsanayo dadka siyaasadda kaga soo horjeeda madaxweyne Donald Trump, iyadoona sidoo kale ka digtay in awoodda hay’adaha fulinta sharciga loo adeegsado dano siyaasadeed, islamarkaana eedeymaha kaga imaanaya Trump ku tilmaantay kuwo aan sal iyo raad lahayn.
“Waan fiicanahay; yaan la isku qaldin, tani waa isku day lagu beegsanayo dadka siyaasadda ka soo horjeeda iyo in awoodda hay’adaha fulinta sharciga federaalka loo adeegsado dano siyaasadeed. Toban sano ayuu Trump igu hayey been aan sal lahayn iyo olole sumcad-dil ah. Tani waa tallaabadii ugu dambeysay ee sii xoojinaysa ololaha cabsi-gelinta siyaasadeed. Layma aamusin doonno,” Ayay tiri Ilhaan Cumar.
Dhinaca kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn baaritaanka, isaga oo arrinta u daayay wasaaradda caddaaladda Mareykanka.
Xafiiska Ilhaan Cumar ayaa isaguna ku adkaystay inaysan jirin wax khalad ah oo ay gashay, isla markaana uu baaritaanka u arko mid la xiriira cadaadis siyaasadeed iyo isku day lagu cabburinayo aragtideeda siyaasadeed.
Sida lagu sheegay wararka laga bixiyay arrintaan, saraakiisha waaxda baaritaannada amniga gudaha Mareykanka (HSI) ayaa baaritaanka sameeyay subaxnimadii Isniinta, 12-ka Oktoobar 2026, iyagoo fulinayay amar baaritaan oo ay maxkamaddu oggolaatay.
Si kastaba ha ahaatee, baaritaanka ayaa la sheegay inuu la xiriiri karo dukumentiyada socdaalka iyo su’aalo ku saabsan xogta socdaalka ee qoyskeeda, hase yeeshee, faahfaahinta rasmiga ah ee sababta baaritaanka weli si buuxda looma caddeyn.