Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta kulan la yeeshay safiirrada dalalka Carabta ee Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta kulan la yeeshay safiirrada dalalka Carabta ee Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay safiirrada dalalka Carabta ee Soomaaliya, iyadoo kulanka lagu gorfeeyay xiriirka labada dhinac iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga diblomaasiyadeed.

Kulanka ayaa lagu soo qaaday xaaladda guud ee Soomaaliya, xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya dalalka Carabta iyo fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga dhinacyada ay danaha wadajirka ahi ka dhaxeeyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in la sii ambaqaado xiriirka diblomaasiyadeed, lana abuuro hannaan iskaashi oo horseedi kara horumar dheeraad ah iyo xiriir dhow oo dhex mara Soomaaliya iyo dalalka Carabta.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay xaaladda amni ee gobolka iyo muhiimadda ay leedahay in dalalku iska kaashadaan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, si loo xoojiyo amniga loona kobciyo wada-shaqeynta gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ayaa qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee dowladda federaalka Soomaaliya ku horumarinayso xiriirka ay la leedahay dalalka Carabta, isla markaana ku ballaarinayso iskaashiga heer gobol iyo heer caalami.