Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq), iyo ku-xigeenkiisa, C/weli Ibraahim Garyare, oo maanta magaalada Dhuusamareeb ay ku doorteen xubnaha Golaha Wakiillada Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoggaanka cusub ugu hambalyeeyay kalsoonida ay ka heleen golaha wakiillada, isaga oo kula dardaarmay inay mudnaanta siiyaan sugidda amniga, xallinta colaadaha sokeeye, xoojinta midnimada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doorashada hoggaanka cusub ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo dhismaha dowladnimada Galmudug, isagoona sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hoggaanka cusub uu ka shaqeeyo nabadda, wadajirka bulshada iyo hirgelinta himilooyinka shacabka maamulkaas.
Ugu dambayn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxweynaha cusub ee Galmudug Liibaan Axmed Xasan iyo ku-xigeenkiisa C/weli Ibraahim Garyare Alle uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday, si ay uga soo baxaan waajibaadkooda ugana shaqeeyaan nabadda iyo horumarka Galmudug.