Khayre oo si kulul u cambaareeyay dhacdadii maanta ka dhacday degmada Dayniile

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdadii maanta ka dhacday xaafadda Raadeerka ee degmada Dayniile, halkaas oo ay ku dhinteen saddex qof oo shacab ah, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Khayre ayaa sheegay in dadka waxyeelladu soo gaartay ay ahaayeen shacab ka dhiidhinayay burburinta guryahooda iyo barakicinta ka socota Dayniile, isaga oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay howlgalladaas oo uu ku tilmaamay burburin hanti iyo barakicin sharci-darro ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dadkaasi ay xaq u lahaayeen inay si nabad ah uga mudaaharaadaan tallaabooyinka saameynaya guryahooda iyo noloshooda, isagoona tacsi u diray qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay dhacdada, islamarkaana Alle uga baryay inuu u naxariisto, dadka dhaawacmayna uu caafimaad siiyo.

Dhinaca kale, Khayre ayaa ciidamada iyo saraakiishooda ugu baaqay inay ka fogaadaan adeegsiga awoodda ka dhanka ah shacabka, isla markaana ay gutaan waajibaadkooda iyagoo ilaalinaya nolosha, karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinta.

Ugu dambeyn, Khayre ayaa sheegay in lala xisaabtami doono cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd dhimashada iyo dhaawaca shacabka, isagoo adkeeyay in ilaalinta sharciga iyo isla xisaabtanku ay muhiim u yihiin wax ka qabashada dhacdooyinka noocan ah.