Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu maanta ka jeediyay munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Hirshabeelle kaga hadlay tabashooyinka siyaasadeed ee ka jira gobolka Hiiraan, gaar ahaan kuwa ay qabaan bulshada beesha Xawaadle, isagoo sheegay in caasimadda maamulka la siiyay gobolkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in bulshada reer Hiiraan laga doonayo inay soo jeediyaan magaalo ammaan ah oo leh shuruudaha lagu martigelin karo xarumaha maamulka iyo madaxda sare ee Hirshabeelle, si markaasi loo qorsheeyo u wareejinta xarunta maamulka.
Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dadka qaba tabashooyinka inay muujiyaan dulqaad, kana fogaadaan tallaabooyin aargoosi ah, isaga oo ku sababeeyay in arrinta caasimadda la siiyay fursad wax looga qabanayo cabashadooda.
Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in go’aanka kama dambaysta ah ee ku saabsan halka ay caasimaddu noqonayso iyo habka loo wareejinayo ay gaari doonaan madaxda Hirshabeelle, iyadoo la raacayo dastuurka maamulka.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya iyadoo magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ka jirto xaalad siyaasadeed oo kacsan, taas oo salka ku haysa diidmada ay qaar ka mid ah siyaasiyiinta, odayaasha iyo waxgaradka gobolka u muujiyeen maamulka Hirshabeelle.